Тёмный

Hogob Caleenliyo adoo hadh jiifee | Nabsiga Hiishaan | Maxamed mooge heestii nabsiga | mudugboy 

DHUGMAAL LYRICS
Подписаться 111 тыс.
Просмотров 384 тыс.
50% 1

Heesta : Nabsiga Hiishaan
Codkii : AUN Maxamed Mooge Liibaan
Kabankii : AUN Maxamed Mooge Liibaan
Erayadii: AUN Cabdi Adan Xaad (Cabdi Qays)
Laxankii : AUN Cabdi Adan Xaad (Cabdi Qays)
LYRICS: Dhugmaal Lyrics
Qoraalka Heesta (Lyrics)
Imisaan ku hor joogayoo
Wanaag kaa hidinaayayoo
Iskadaa hadal toosane
Warba kaa heli waayoo
Wejiga aad iga hiiftay
Adduun waa hadh wareegga
Waa habeen iyo maalin
Isu soo hirdamaaya
Waa habow iyo toos
Is hareera socdee
Waayihii kol i heeray
Haddii uu heeryo ku saaray
Inaan kuu hab jileeco
Waa midaan la helayne
Hiyigaaga ka saar
Hogob Caleenliyo
Adoo Hadh Jiifee
Dhaxan Harraad
Haalaase Joogee
Habeenka Maalin Socodkiyo
Hirig Cadaadeed
Hugayga Reebtee
Nafsiga Hiishaan
Heedhe Kula Haleeloo
Hoogtooy Wanaaganii
Waa kaad Halleysee
Kula Hor Joogee
****************
Mar baad hillaaciyo
Hogol ahaydoo
Mar baad hiraysoon
Ku higsanaayey
Soo kii hacoogiyo
Ahaa habeenka
Halyeyga maanta
Lagu halmaamay
Nabsiga hiishaan
Ku la haleeloo
Hoogtooy wanaaggani
Waa kaad halleyseen
Ku la hor joogee!
*********************
Mar baad hubka is wada
Hareer ordaysoo
Anna hangool iyo
Gudimmo haystay
Adoo hitiitiqay / hidiidiqay
Haddii aad i hoos timid
Oon geedna haysan
Waa hiil Ilaahe
Nabsiga hiishaan
Ku la haleeloo
Hoogtooy wanaaggani
Waa kaad halleyseen
Ku la hor joogee!
*********************
Ha moodin adiguun
Inaan ku hiifee
Haween dhamaan baan
Ka hawl yaraystay
Hiil iyo hooba
Mid kuu han weynoo
Ku hanta Mowle
Ha kuu hibeeyee
Ilaah hortaadiyo
Hareerahaagaba
Halkaad marayso
Ha ku hagaajee
Nabad ku sii hoyo!
#dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics #dhugmaal

Опубликовано:

 

10 сен 2024

Поделиться:

Ссылка:

Скачать:

Готовим ссылку...

Добавить в:

Мой плейлист
Посмотреть позже
Комментарии : 42   
@user-vi1sk9tm4z
@user-vi1sk9tm4z Месяц назад
heestanwaxay ku soo baxday nin dhuxula ayaa jaclaaday naag aad u qurux badan markii uu sheegtay jacalkii way ku diiday waxaan guursaday nin carabaha ka soo shaqestay kawaasi oo la odhan jiray janaale wakhtigaa ninkii dhuxulaha ahaa isna wuu dhoofay waxaanu tagay sucuudi aribay oo markaa loo shaqo tagi jiray ninkii gabadha guursaday markii ay u dhashay laba caruura ayuu furay mudo ka bacdi waxaa soo dagay ninkii dhuxulaha ahaa maalin maalmaha ka mida ayay isaga horyimadeen suuqa hargaysa gabadhii iyo ninkii ay eriday ee dhuxulaha ahaa salaan ka bacdi waxay ku tidhi wanigii bargii kugu ku diiday nafsi ayaa igu dhacay ka waran imaka aan is guursano wuu yaabay waxaanu shakadii u bandhigay alle haw naxariiste (xaaji gujis ) waxaanu ka sameeyay heestan
@ikranabib7919
@ikranabib7919 3 месяца назад
Allah ha u naxariisto aamiin The Legend of the legends Mahamed Mooge Liibaan 😢😮😢😢😢😢
@xasancabdi4374
@xasancabdi4374 11 дней назад
Guuul ishaa allah somaliland❤❤❤❤❤❤
@abdiazizjama4290
@abdiazizjama4290 2 месяца назад
Allaha u naxariisto mahamed mooge liibaan .
@hanadolad2061
@hanadolad2061 10 дней назад
Wow that's amazing
@SareyFarah
@SareyFarah 7 месяцев назад
Fan waa fankii hore❤Xikmadna waa reer Mooge😊 Heesahaan Qaaraamiga hadaadan Rikoodh iyo canjal aadan kasoo dhageysan wali waxbaa kuu dhiman awoowe👏💯 21-01-2024 Sunday❤12:08 Am ❤
@maktoobyt2009
@maktoobyt2009 9 месяцев назад
Ilaah hortaadiyo , hedhe harererahaagaba halka marayso, haku hagajee, nabad kusi hoyo.
@ahmmedisse
@ahmmedisse 2 месяца назад
Habeenka maalin Socodka hiiroo Hirig cadaadeed Hogeeyga reebtee Hiiro / Jarmaado/ Alasey : Socodka subaxdi lagalo . Hirig / Go'o : waa dhawaqa uu bixiyo marka dhar , xubin ama Shay marka uu geed ama qof si ka dis ah oodon Fileyn si xoog kaaga jiido . Cadaad: waa geed Layrics saxda Badanaa dhalinyarada heestan qaadaa waa eey qaldaan page-kaan sidaas ayaan usoo qoray .
@MohamedHussein-mf3fp
@MohamedHussein-mf3fp 3 месяца назад
Erayadi Xaji Gujis ilahay ha naxaristo
@Shiine_Qamarji
@Shiine_Qamarji 2 месяца назад
Wallo waa cabdi aadan xaad cabdi qays
@user-ug1su6ft2o
@user-ug1su6ft2o Месяц назад
Aleh haun haudanbi dhaafo marxuunkaa
@siyatdubow2085
@siyatdubow2085 Год назад
I love to listen the old songs ...
@L.i.B.a.a.X.o
@L.i.B.a.a.X.o Год назад
Alle haku naxariisto cod mcnaya ❤
@SiciidXareed
@SiciidXareed 11 месяцев назад
alle ha unaxariisto aun maxamwed mooge😢😢😢 Ax yaa fanaan War like ta ha iladhaafina
@xasanibraahim5174
@xasanibraahim5174 3 месяца назад
Alla ha u naxariisto
@user-dy6cm5of9n
@user-dy6cm5of9n 11 месяцев назад
Ala u naxariisto ❤❤❤❤
@user-mp1dr4cv8l
@user-mp1dr4cv8l 11 месяцев назад
Illhye naxariista waasac kuu waydiinayaa awoowo mcn😢😢😢
@MahamudAwsalax
@MahamudAwsalax Месяц назад
Nafsiga hiisha kula halelay
@SulekhoYuusuf
@SulekhoYuusuf 11 месяцев назад
Allhu raxamo
@ridwaanmaxamuud1345
@ridwaanmaxamuud1345 2 месяца назад
waaaw
@xidigahaofficial8281
@xidigahaofficial8281 10 месяцев назад
Old is gold
@yaasiincabdi-yp8hb
@yaasiincabdi-yp8hb 7 месяцев назад
fanka Qaraami Ka dhegeyso AMa Iska dhaaF❤ Fankuna wa Fanaantii hore hadalna wa intii dadkii hore Yiri❤ Maxamed Mooge AUN😢 Caawa ay taarikhdu Thy Mon 29_Jan-2024❤ 11:40❤
@user-rp6gw1fe2x
@user-rp6gw1fe2x 9 месяцев назад
Qisda heestan cid doonaysa haday jirto waan kaga sheekaynkaraa❤
@Ramboooooooo
@Ramboooooooo 9 месяцев назад
Ka sheekee dee maraxoow😅
@Armani_yossef
@Armani_yossef 9 месяцев назад
Ka sheekee.
@ahmedmohamedabdalla367
@ahmedmohamedabdalla367 8 месяцев назад
Qisada heestu maaha sida ay dd badn moodayaan oo ah in heestu ayka hadleeso jacayl base wxy ka hadlaysaa wadani nimo waxayna soobaxday wakhtigii kacaanka jabhaduhuna ay bilaabma yeen wxaa dhacday in siyaad barre uu dd usoo diry mohamed moge unable balan qaaday xil iyo martabad sarysa lana sheegay inuu la jeclaa gabdh uu dhalay intaakadip m.mooge oo warkaa ka biya diidaya baa heestan qaaday isagoo sheegaya inuu xitaa jamhaf ninfa kusoo jry isagoo damar darn hdana uu awoodaysty wuxuuna kusii adkaysty jamhad ni.dii iyo inuula dagaalamo dwladii kacaaanka oo uuku sheegy inay ahyd mid keligeed talis ah
@user-qp9qz9rb6n
@user-qp9qz9rb6n Месяц назад
​@@ahmedmohamedabdalla367hhh
@user-bm4ij2qj5x
@user-bm4ij2qj5x 10 месяцев назад
@CkCali
@CkCali Год назад
😮
@ridwanmuxiyadin8841
@ridwanmuxiyadin8841 5 месяцев назад
2:10
@zakimoha4773
@zakimoha4773 5 месяцев назад
Waaaaw 😢
@IkraanCumar-fq1xe
@IkraanCumar-fq1xe Год назад
Guled m
@JamaalMacalin-hh8vg
@JamaalMacalin-hh8vg 9 месяцев назад
❤❤❤❤
@SulekhoYuusuf
@SulekhoYuusuf 11 месяцев назад
😢😢😢
@NadarAbdimahamed-wg8ms
@NadarAbdimahamed-wg8ms 4 месяца назад
😢❤
@abdiazizjama4290
@abdiazizjama4290 2 месяца назад
Allaha u naxariisto mahamed mooge liibaan .
@GuledjamacIprahin-pd1ly
@GuledjamacIprahin-pd1ly 11 месяцев назад
Alle ha u naxariisto
@user-kb8tf4hj6y
@user-kb8tf4hj6y 9 месяцев назад
❤❤❤❤❤❤❤❤❤
@user-zw2eq3lz5k
@user-zw2eq3lz5k Год назад
Allah how naxariisto maxamad mooge liiban
@xasanibraahim5174
@xasanibraahim5174 9 месяцев назад
Allah ha u naxariisto
Далее
Bike vs Super Bike Fast Challenge
00:30
Просмотров 21 млн
Dhaafnaa
10:29
Просмотров 21 тыс.
Axmed Yaasin Digfeer |Heestii Digfeer |
9:57
Просмотров 311 тыс.
Mudantii Haweenkay
9:58
Просмотров 18 тыс.
Maxamed mooge (waxa iman ayaanti ina moge sugaye)
14:16
Maxamed Mooge babaygii jamaamiyo.wmv
7:38
Просмотров 569 тыс.