Тёмный

MAXAMED & FAADUMO - CULUSAA ALLAHAYOW 

Jabuuti TV
Подписаться 109 тыс.
Просмотров 479 тыс.
50% 1

MAXAMED AADAN DUGSIIYE & FAADUMO AXMED
CULUSAA ALLAHAYOW
DJIBOUTI, JABUUTI, SOMALI
#united states, #united kingdom,# Canada, #Netherlands, #France, #Italia, #China, #south Korea, #mexico, #germany, #folk music, #中国, #日本, # 대한민국, #한국, #日本
united states, united kingdom, Canada, Netherlands, France, Italia, China, south Korea, mexico, germany, folk music

Опубликовано:

 

10 сен 2024

Поделиться:

Ссылка:

Скачать:

Готовим ссылку...

Добавить в:

Мой плейлист
Посмотреть позже
Комментарии : 161   
@alexlegrand6669
@alexlegrand6669 6 лет назад
Culusaa allahaayoow Naftu caato badanaa Arimuhu cuyuubanaa Ciil kaambi weeynaa Ma dhulkaan colownoo Cirkanaa igu soo dumay Waa maxa cidhiidhigu Calaf lama hor joogsadoo Anna kuuma cadhaqaboo Ciil kaambi ha u dhiman Talo Waa calool adayg Hadii wacadkii caariday Anna caashaq ha i dilo Adna caano iyo nabaad Cimrigaa ku nooloow Waxay daruuri curataa Kolkuu caadil shubayee Dhirtu waxay cusbaataa Eey curubta saartaa Kolkay ciidu qooyday Xididadu cabaan bay Bixisaa caleentee Waa hadal caqliga galaa Ama laysku celiyee Waxse Caawa ii daran Taladan cayn wareegtee Anna culuq ilaahiyo Caynaan Oo ii maqan Adiguna caqiibiyoo Caafimaad ku nooloow 🌷🌷🌷🌷🌷🌷🌷 Calooshuna kumay niciine Cidna kaama raacine Soow nabadii ceel iyo Cunsur aabo kuma ridin Anna soow canaan iyo Cadho waalid kama baqan Miyaan tiisi caariday Ubad Waa la celiyaa Cudud loogu faanaa Caashaqa ku weerara Ayaa loo la cawdaa Hadii wacadkii caariday Anna caashaq ha ii dilo Adna caano iyo nabaad Cimrigaa ku nooloow Nin canaan ka yaabee Ceesaan ma doojee Caadada dadkeenuna Inay cidhib la’aan tahay Jacaylkii cabliyo heley Ee dilay cilmiyo hodan Sow laguma caayeeyn Amba igu cuslaayoo Sidii caamir loo heley Ciirciiris baan ehee Adigana maku cuskaday Anna culuq ilaahiyo Caynaan Oo ii maqan Adiguna caqiibiyoo Caafimaad ku nooloow
@Qofnaba.
@Qofnaba. 5 лет назад
Alex Le Grand ku mahdsnid sidaad qoral ahaan nola waadgtay Walal
@nageyesoyaal9246
@nageyesoyaal9246 3 года назад
We
@mustafaabdullahi5031
@mustafaabdullahi5031 3 года назад
😎
@suhaybabdixakiin
@suhaybabdixakiin 2 года назад
Sxp cumaamad waan ku tuury
@maxamadqadiibmacalin1707
@maxamadqadiibmacalin1707 Год назад
Adiguna caqiidiyo dheh inta kale waad saxdaye mahadsanid
@CSeerbiya
@CSeerbiya 5 лет назад
Taariikh Faneedka Faadumo Axmed Dhimbiil (1948-2018) Waxa Qoray Cumar Seerbiya Faadumo Axmed Dhimbiil sannadkii 1948 ayey ku dhalatay xaafadda lixaad ee Jabuuti ka dibna iyada oo 19 sanno jir ah oo aanay cidina fanka ku aqoonin ayey tagtay Xamar sannadkii 1967, waxayna la kulantay kooxdii Xabadi keentay ee ka timi Yementa Waqooyi, waxayna intii ay Jabuuti joogtay ee Xamar ka hor ka mid ahayd dhallinyarada gobonimo doonka ah . Kooxdan Xabadi keentay la dhihi jiray oo ahaa Abwaanno ka soo cararay dagaaladii ka socday waqooyiga Yeman waxa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Jaamac Saleebaan Tubeec, Maxamed Jaamac Ilkacase iyo Maxamed Siciid Baandey. Kooxdan ayaa Faadumo Xamar ku soo dhaweysay waxayna isla sannadkaasiba (1967) ay kooxda la meteshay Riwaayaddii Reer Ba'oow yaa ku leh? , ee sheekadeeda uu lahaa Abwaan Hadraawi halka heesaha ku jiray badankoodana uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase . Riwaayadda waxa jilayey , Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdiraxmaan Xasan Sheekh (Abuuraas) oo isku ahaa Arbaha koowaad iyo Qalanjada Koowaad , Maxamed Siciid Baandey, Asli Khayre Gabboon iyo Jaamac Dubad Xiiray, waxayna kooxdu ka bilawday Balcad, Gaalkacayo, Qardho , Burco ilaa ay ku soo laabteen Xamar. . Heesaha riwaayadda ku jiray ee ay Faadumo Axmed Dhimbiil qaadday waxay ahaayeen labada hees ee erayadooda uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase laxankana uu saaray Jaamac Saleebaan Tubeec ee kala ah “Maahee Khadraay” oo ay la qaaday Cabdiraxmaan Abuuraas balse markii Xamar lagu soo laabtay la siiyey Sahra Axmed Jaamac iyo Maxamed Nuur Giriig waxayna noqotay heestii u horreysay ee ay Sahra qaaddo, iyo weliba heesta kale ee “Hiddo” oo ay dadka qaarna ku yaqaanaan “Mays heli karnaa?” waxaana riwaayadda dhexdeeda kula qaaday Maxamed Siciid Baandey markii dambena idaacadda waxa looga duubay Faadumo iyo Maxamed Nuur Giriig oo aan isagu riwaayadda ku jirin. Markii ay dhagaha bulshada gaadheen heesihii ay qaadday Faadumo waxay noqotay gabadh fanka dhexdiisa aad looga tixgeliyo intii ay joogtay Xamar iyo Soomaaliyaba . sannadkii 1972 Faadumo Axmed waxay ka mid ahayd koox fannaaniin ah oo isugu jiray kuwa ka soo jeeday Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ka tagay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Aadan Xaad(Qays) , Xaliimo Cabdi Odawaa (oo ay dad badani ku garan karaan heestii ma naftaydaan Mindi geliyaa?) , Maxamed Aadan Dugsiiye, Cabdi Ibraahim Geeddi ( Cabdi Bow-bow) oo isagu ka mid ahaa dadkii fanka Jabuuti dhidibada u taagay iyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Abuuraas. Isla sannadkaasi 1972 waxay Faadumo Axmed Dhimbiil ka qaybqaadatay riwaayaddii ‘Muuse Iyo Maryan” ee uu allifay Ibraahim Aw Saleebaan (Ibraahim Gadhle) oo Jabuuti loo yaqaanay magaca Cumar Cabdi Aw-Maxamuud oo ahaa magacii uu dhalashada ku qaatay., waxaana riwaayaddaasi ku jirtay heesta aadka loo jeclaysto ee “Culusaa Allahayow” ee uu laxanka lahaa Cabdiraxmaan Cali Xirsi , ayna wada qaadeen iyada (Faadumo) iyo Maxamed Aadan Dugsiiye. Sannadkii 1976 Abwaan Ibrmaahim Gadhle ayaa curiyey riwaayad la odhan jiray “Halgankii umadda iyo hoog isticmaar” oo ka hadlaysay in dadka reer Jabuuti xornimo ka rabaan gumaystaha Faransiiska. Dowladda Soomaaliya ayaana lacagta riwaayadda bixisay , waxaana riwaayaddan oo lahayd sidoo kale qayb Canfari ah oo uu ku darsaday Abwaan Axmed Laacde, laga dhigay Soomaaliya iyada oo laga soo bilaabay Borama ilaa Beledxaawo, waxayna riwaayaddu socotay muddo 71 habeen ah , waxayna kooxdu ka koobanyd ahayd 30 qof . riwaayaddan waxa ku jiray heeso ay ka mid ahayd heesta “ Ragga kaan ka eegtow Ama Ilwaad” oo ay wada qaadeen Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdinuur Alaale, waxaana heestan erayadeeda lahaa Xuseen Jig-jigaawi halka uu laxankana saaray Cabdinuur Alaale Xirsi, sidoo kale heesta , Nuur Dalaacow dib miyaad u soo noqon , waxa erayada Faadumo u dhiibay Xuseen Jigjigaawi laxankana isla Cabdinuur Alaale ayaa saaray. Sidoo kale isla riwaayaddan Ibraahim Gadhle waxa ku jiray gabayga caanka noqday ee” Afrika” oo ay ku luuqayso Faadumo Axmed Dhimbiil, heesta Allahayow dadkaygii ayey sidoo kale ka qaaday Faadumo riwaayadda . Faadumo iyo fannaaniintii ay wada socdeen oo ay ka mid ahaayeen Nimco Jaamac Migil , Cali Cabdi Dawaale iyo Abwaan Aadan Tarabi Jaamac waxay yimaadeen Xamar, waxayna riwaayaddii ka dhigeen Shaleemo Banaadir , iyaga oo booqday Jaamacadda Lafoole oo ay kula kulmeen Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi iyo Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye ka dibna waxay ku laabteen Jabuuti. Sannadkii 1978-kii waxa raadyaha Jabuuti laga shaqaalaysiiyey Kontan qof oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee fanka oo ay ka mid tahay Faadumo Axmed Dhimbiil oo sidoo kalena la shaqayn jirtay kooxdii Gacan Macaan oo uu guddoomiye ka ahaa Abwaan Aadan Faarax Samatar laga soo bilaabo1971. Faadumo Axmed Dhimbiil waxay qaadday heeso aad u tiro badan oo badankooda caan ka dhex noqday bulshada sida Heesta Gaaraabidhaan oo uu erayada lahaa Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubad horena ay u qaaday Xaliimo Cabdi Odawaa balse ay ku caan baxday Faadumo iyo heesta Tufaaxii aan tirsaday oo iyaduna ku jirtay riwaayaddii “Hanweynaa Ma Huryaa” ee uu lahaa Abwaan Xasan Cilmi Diiriye , waxana sidoo kale heestan hore u qaaday Xaliimo Cabdi sannadkii 1974 . laxankana Cabdiraxmaan Cilmi Xirsi ayaa saaray. Faadumo Axmed sidoo kale waxay qaaday heesta “Qaniiyada Abeesadu” oo uu erayada iyo laxankaba lahaa Axmed Xuseen Jigjigaawi . isla Faadumo ayaa Maxamed Nuur Giriig waxay wada qaadeen heesta”Soo mar “ oo uu erayada lahaa Cali Cilmi (Cali Aflow” halka uu laxankana saaray Maxamed Cali Nahaari (Maxamed Nahaari). Faadumo Axmed Dhimbiil sidoo kale waxay aad ugu wanaagsanayd ku luuqaynta laxannada qaraamka ah , waxaana xusid mudan in 1974 uu Maxamuud Ismaaciil Xudaydi uu Jabuuti ugu tumay Faadumo heesta laxanka Rogaal . Faadumo Axmed Dhimbiil dhawr iyo sagaashankii ayey Jabuuti ka dhooftay waxayna tagtay dalka Holland ka dibna Ingiriiska ayey u wareegtay . Sannadkii 2004 ayey Jabuuti ku soo laabatay, intii ka dambaysay waxay u badnayd Ingiriiska , 24-ka bishii May 2018 ayey Faadumo ku geeriyootay dalka Turkey-ga waxaana 25 Bisha May lagu aasay magaalada Jabuuti . Taariikhda Faadumo Axmed Dhimbiil waxa iiga waramay dad ay ugu horreeyaan, fannaanka Cabdinuur Allaale Xirsi oo sidoo kale ah Qoraa Suugaanta ururiya laga soo bilaabo 1971-kii, Jaamac Saleebaan Tubeec ayaa isna iiga waramay markii ay Soomaaliya timi 1967 iyo bilawgii fankeeda , waxaan sidoo kale dhageystay Waraysi laga qaaday Faadumo mar ay dalka Jabuuti joogtay.Waxaana iga xasuusin ah inay jiraan heeso badan oo ay qaaday Faadumo kuwaasi oo aanan qoramadan ku sheegin. Waxa Qoray Cumar Seerbiya 23 , Febraury ,2019. Muqdisho Soomaaliya
@faationline4843
@faationline4843 4 года назад
Allah ha u naxariisto
@daheraden5087
@daheraden5087 4 года назад
Great job bro !!! Hawl fudud maaha runti hawshan aad gashay ilaahay ha kaa jazai siiyo runtii !!! Fadumo axmedna ha u naxaristo
@YHBDJIB
@YHBDJIB 2 года назад
Many thanks for your job
@maxamadqadiibmacalin1707
@maxamadqadiibmacalin1707 Год назад
Sxp top man ayaad tahay mahadsanid 100% fanaanadana allaha unaxariisto waa haldoor aan leheli doonine😢
@daheraden5087
@daheraden5087 4 года назад
Proud to be djiboutian !!! Kuma reer jabuuti ah farta taag!!!! Que tout djiboutien me file un pouce bleu!!! Fier de ma patrie .la terre des hommes fiers..... Je suis djiboutien et vis actuellement en Allemagne Les djiboutiens sont les meilleurs en tout et ce, partout.....thanks god!!!!
@bandjirbarwakoomar8696
@bandjirbarwakoomar8696 Год назад
Camarade souviens toi du El KEF et de la galère du retard de la bourse oups la retraite 🤣🤣🤣🤣 merci à ces artistes au voix d'or.
@araleabdi56
@araleabdi56 5 месяцев назад
Wax jabuti la dhaho ma jirte you are part of somalia
@mukhtarabibsuldan21
@mukhtarabibsuldan21 4 года назад
culusaa alahayoow 😢😭 ilaahow intii culays dareemysa fudayd ugu badal ilaahow faraj khayr qaba noo fur
@abdinaasirjaamac2272
@abdinaasirjaamac2272 5 лет назад
Heestan waa raadin jiray lakin caawa helay like ii saar hadaa aaminsantahy in jacaylku wax jirayahay
@karamoige5268
@karamoige5268 6 месяцев назад
What a amazing song.!😮 Old is gold,AHUN Dhamaantood. Still listining 23/02/2024.🎻🔥
@mohamedosmanadan3606
@mohamedosmanadan3606 6 лет назад
Culusaa Allahayoow Nafta caato badana Arimuhu cuyubana Ciil kaambi weeynaa Madhulkaan colowno Cirkana igusoo dumay Waamaxaay ciriirigo Calaf lama hor joog sado Ana kuuma caraqo Ciil kaambi ha udhiman Talo waa calool adeeg Hadii wacadki cariday Ana caashaq ha idilo Adna caano iyo nabad Cimrigaa ku nooloow Waxeey daruuri curataa Kolkuu caadil shubayee Dhirta waxeey cusbaata Eey curugta saartee Kolkeey ciida qooydeey Xididao cabaan beey Bixisaa caleeyn tuyee Waa hadal caqliga Ama leeysku celiyee Waxse caawa iidaran Taladan ceeyn weergte Ana culuq ilaaheyo Ceeynaano ii maqan Adiguna caqiibiyo Caafi maad ku nooloow 👁👁👁👁👁👁👁👁👁 Calooshuna kumeey nicin Cidna kaama raacine Soow nabiyo celiyo Cusuraabo kuma ridin Ana soo canaan iyo Cara waalid kama baqan Miyaan tiisa cariday Ubad waala celiyaa Cudud loogu faana Cashaqa ku weerara Ayaa loola cawdaa Hadii wacadki cariday Ana caashaq ha idilo Adna caano iyo nabad Cimrigaa ku nooloow Nin canaan ka yaabin Ceeysaan ma doojee Cadada dad keenuna Ineey cirib la aan tahay Jaceylkii cablo iyo helay EE dilay Cilmi iyo hadan Soo laguma caayin anba igu cuslaayo Sidii caamir loo helay Ciirciiris baan ehee Adiguna maku cuskaday Ana culuq ilaaheyo Ceeynaano ii maqan Adiguna caqiibiyo Caafi maad ku nooloow 👀👀👀👀👀👀👀👀👀👀
@naciimamaxamuudyuusuf2853
@naciimamaxamuudyuusuf2853 6 лет назад
mohamed osman masha Allah
@mohamedosmanadan3606
@mohamedosmanadan3606 6 лет назад
thnks sis
@naciimamaxamuudyuusuf2853
@naciimamaxamuudyuusuf2853 6 лет назад
mohamed osman adan ok
@aminqalbisafi3363
@aminqalbisafi3363 6 лет назад
inbadan ayaan qoraalkeda radinayey, nabadoone abaalkaga ma gudi karno xaqiiqdi, tnxs in badan....tarikhda youtube aya ku xusi doonto.
@mohamedosmanadan3606
@mohamedosmanadan3606 6 лет назад
adiga iga mudan sxb qoraalkeda waakaa hada waad heysa
@yaasmiinyuusuf7110
@yaasmiinyuusuf7110 6 лет назад
Nin cannaan ka yaabi Ceesaan ma doojee Caadada dadkeenuna iney cirib la'aan tahay Jacaylkii cabliyo helay Ee diley cilmiyo hodan Sow laguma caayeeyn Faadumo ahmed dhimbil allah ha u naxariisto waa hees dareen leh oo cajiiba walaalaha jabuuti raxmaanku ha idiin dhawro
@ahmedomer4953
@ahmedomer4953 2 года назад
Waa hees cajiib ah oo waaqica ka hadlaysa
@roooroo2148
@roooroo2148 Год назад
Amiin wallale
@faationline4843
@faationline4843 4 года назад
2019/bishii 1ilaa bishii 8 ayaaan xalad daran Oo bilaa xoriyad ah kujiray markaasan dhegaysan jiray waanka baxay wakhtigii adkaa Lkn wayska xasuustaa heestan
@osmanyussuf7069
@osmanyussuf7069 3 года назад
Ceeblaay jabuutay Taan caano iyo nabad Caruurnimo kunoola Cimriga hawaaree Cabsi baaba joogtee Yuun cadow kuso galin
@aydrousmahmud638
@aydrousmahmud638 3 года назад
Hadii Wacadkii Caariday Ana Caashaq Hay Dilo Adna Caano Iyo Nabad Cimrigaa Kunoolow.... Dhamaantiin wang iyo guul bn idiin rajynayaa
@shaafijeyte9021
@shaafijeyte9021 5 лет назад
Waayo waayo iyo heesihii hirgalay ee reer Jabuuti. Ereyadii AUN Ibraahin Garle, codadka Max'ed Aadan Dugsiiye iyo Faadumo Dhimbil AUN.
@abdirahmanhussein1899
@abdirahmanhussein1899 4 года назад
Jabuuti hesaheedo ma faransiis baa kuwa ugu badan koonfurta lagu samyey
@awaliali5650
@awaliali5650 2 года назад
Waar beenta dadka daa heestan AHUN ibraahin garle ma laha erayadee. Waxaa iska leh AHUN abwaan Xasan Cilmi oo ku magac dheera xasan Gadhle. Oo ahaa abwaan reer Borama ahaa markii dambana u guuray jabuuti
@ismaacilcalimuxumed2641
@ismaacilcalimuxumed2641 Год назад
Ereyadii ibraahim saleban harun Laxanki maxamed adan dugsiye Riwaayadi halgankii umada iyo hoog isticmaar
@HassanAhmedAhmed
@HassanAhmedAhmed 5 лет назад
December 2018 ayaa wali dhagaysta heestan???????? Cajiib waa dhaxal gal iyo xigmad waligeed jiri doonta. Fier de nos artistes :)
@nimcowabari7444
@nimcowabari7444 3 года назад
😍😍😍😍😍😍 walhi marwalba wan dhagaysta wan jecelAhay maxamed adna dugsiye & fadumo axmad dhinbil 💖💖💖💖💖💕💕💕💕💕💕💕💕💕
@hodanmohamud5377
@hodanmohamud5377 5 лет назад
9/4/2019😭💔 9:58 pm😭😥 wlhi aney iga hadle allow adan cirsi ka raba💔
@aydarusfaysal9817
@aydarusfaysal9817 5 лет назад
16/062019 11:38 wll alle muradkaaga hku sakhiro ameeeen
@hodanmohamud5377
@hodanmohamud5377 5 лет назад
@@aydarusfaysal9817 amen dhamanten
@raagedirir9171
@raagedirir9171 3 года назад
@@hodanmohamud5377 wakhtiga wanaagsan wuu imanaya sis
@sultanhufane1051
@sultanhufane1051 4 года назад
Heesta ugu macaan ay isla qadaan Maxamad Aden Dougsiyeh iyo Fadumo Ahmed Dhimbiil
@HalimoAbubaker
@HalimoAbubaker 9 месяцев назад
Allah hou NARISTO FATOUMA Ahmed Allah ACCUEILLE au VALLEY FIRDAWS HAALAAH AMINE ALLAH ALLAH
@munoabdiqadir6109
@munoabdiqadir6109 4 года назад
Waa waxa i haysta in ka badan 20 sano aniga oo tayda la Yaaban baan hadana waxaan Ku dhex noolahay umad xusaada Oo cayr wada ah rabana cid tooda Daryeesha
@amiirnour8627
@amiirnour8627 Год назад
Laxanka anaa saraay allaH💟
@fadxidinmaxamed5143
@fadxidinmaxamed5143 5 лет назад
Talo Waa Calool.Adayg Si Bay ii Tabanysaa hestani😭😭
@khadarmohamed4812
@khadarmohamed4812 4 года назад
Nin talo Ku ciirtay isagoo Fara mdhan uunbaa dareemi kara
@osmanyussuf7069
@osmanyussuf7069 3 года назад
Allah yacizak Dugsiye iyo Fadumo Axmad
@barwaaqoinamire8909
@barwaaqoinamire8909 2 года назад
Ma dhulkaan colowno cirkana igu so dumaye waa maxay cidhiidhigan😔😓 Xalada ku suganahaye weeye allawo iga saar yaa raxmaan🤲allawo nolosha manta bilaabayo I qurxi ilahayawo ku nastaa waan daaley allawo sanadkaa noloshi adkeyde kaga gudbaa 😊
@bukhaariyare3139
@bukhaariyare3139 6 лет назад
Waa waxa i haystee 😢😢
@rukhiyamohamed1520
@rukhiyamohamed1520 4 года назад
Axya hess Allaha no daa wadankayagi Djinouti
@gurayjaaj2759
@gurayjaaj2759 6 лет назад
wah waah waxa aya laga dhaha hees wayo wayo
@ubahibrahim1840
@ubahibrahim1840 6 лет назад
Esha calaa hesdhe Ana culuq ilahiyo caynano imaqan adiguna caqidiyo cafmad kunolow
@cabdixamiidmaxamuud2715
@cabdixamiidmaxamuud2715 3 года назад
Adiguna caqiibiyo caafimaad ku nooolow
@jaamacsiciid4794
@jaamacsiciid4794 4 года назад
30/06/2020 yaa ila dhgaysnaya
@xamdanuuraabshir9393
@xamdanuuraabshir9393 5 лет назад
Culusa allahayow 😢
@filsanmaxamed3593
@filsanmaxamed3593 6 лет назад
ilove faadumomaxamed
@nimcaanmohameddinimo8766
@nimcaanmohameddinimo8766 4 года назад
All time block boster song 🎵 🎶 👌 ❤
@zeramoudofficial5175
@zeramoudofficial5175 4 года назад
04/9/2020MALIN ZABTIYAH DHAGAYSANAYAH MAR AAN UMUJINAYAY KALGACAYL MARWADAYDAAAA AN ADUNKA UGU JECELAHY XAZUUZ GARA AYAY ITHY
@apdirahmanqalas3215
@apdirahmanqalas3215 2 года назад
Waaa maxay cidhiidhigu 🥺💘
@ahmednoor3045
@ahmednoor3045 5 месяцев назад
Waqti hore
@anisali2266
@anisali2266 6 месяцев назад
Culusaa allahayow
@lilboss5452
@lilboss5452 6 лет назад
Rtd ayaan ku xasuusta Djibouti allow dhowr iyo ciyaal xaafahaygi heron plateau ba
@daheraden5087
@daheraden5087 4 года назад
T'as quel âge?? je fréquentais le plateau et y jouais au basket quand j'étais jeune!!
@cisman8518
@cisman8518 5 лет назад
Allaha una xariisto
@housseinfana5065
@housseinfana5065 6 лет назад
Superbe chansons
@HousseinartYoussouf
@HousseinartYoussouf Месяц назад
❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤
@khadarmohamed4812
@khadarmohamed4812 4 года назад
9/7/2020 maalin khamiisa Uma dhagaysanayo heesta wakhti xun ooon Ku jiro balse waa dookhayga heetani qisaa iiga dhadhanta dad badan la kulantay
@mig2183
@mig2183 6 лет назад
Merci
@yaasmiinabdi3043
@yaasmiinabdi3043 2 года назад
Feb/ 4 /2022 /friday. Talo waa calool adayg😰😰😰😰
@iloveyouhooyomcn9562
@iloveyouhooyomcn9562 6 лет назад
Yaa salam ax hees Djibouti jano
@mirandabella8684
@mirandabella8684 6 лет назад
Ubad waala celiyaa cudud logu faana cashaqa ku weeraraa aya loola cawda😓😓😓😓😓
@osmandjama9997
@osmandjama9997 5 лет назад
Axxxxx
@daheraden5087
@daheraden5087 4 года назад
Waa run walaahi!!! Ax!!! Que dieu ait miséricorde de son âme!! God bless her and has mercy of her soul
@xildhibaannuurafarah3754
@xildhibaannuurafarah3754 2 года назад
Hadii wacadkii cariiday Ana cashaq hay dilo Adna cano iyo nabad Cimriga ku noolow Waxay ii tahay xasuus itoobiya aan ku dhegaysan jiray 1994
@Qofnaba.
@Qofnaba. 5 лет назад
adna caano iyo nabad cimriga ku nolaw
@nourhassan1524
@nourhassan1524 2 года назад
Wow🎻🎻
@ahmedomer4953
@ahmedomer4953 2 года назад
Unforgettable song 🎵 ♥ ❤ 💕
@user-yf5cb8sb3f
@user-yf5cb8sb3f 10 месяцев назад
What a song ❤😊.
@MohammedIsmail-tz7ku
@MohammedIsmail-tz7ku 6 лет назад
Waaaaaaaaw
@maxamedboobe
@maxamedboobe 4 года назад
Khamiis 10 kii bishii 09 burco
@RoblehR.a.j.
@RoblehR.a.j. 6 месяцев назад
Gallery's
@osmanpilote9726
@osmanpilote9726 6 лет назад
Culusa allahayow naftu catoo badan ma dhulkan colawno cirkana iguso dumay waa maxay cidhidhigu axxxx intaba igu socotaa
@calimaqdis5952
@calimaqdis5952 Год назад
Eraydii abwaan ibraahim gadhle
@nawaadxusen9879
@nawaadxusen9879 4 года назад
fadumo 😍👏
@rakaab5540
@rakaab5540 5 лет назад
Top!
@liitoofficial4283
@liitoofficial4283 5 лет назад
Waa.heestan.marka.maqalo.
@sayidka.6122
@sayidka.6122 4 года назад
17 october 2019. 01:06.👍🏾
@garbomedia4638
@garbomedia4638 10 месяцев назад
Talo waa callool adeeg
@abdisameduk2278
@abdisameduk2278 4 года назад
Nice
@ista6776
@ista6776 5 лет назад
01/03/2019😍
@mohamedcarablo6487
@mohamedcarablo6487 6 лет назад
Axyaa qaraami
@user-xp5ky6wj7f
@user-xp5ky6wj7f 10 месяцев назад
7:05
@aydarusfaysal9817
@aydarusfaysal9817 5 лет назад
16/06/2019 11:43AM ✌️🙏👍
@narmanasli7893
@narmanasli7893 6 лет назад
Caleyk cakeyk
@mohamedhassan6392
@mohamedhassan6392 3 года назад
Ah
@miskimohamed4397
@miskimohamed4397 6 лет назад
Esh qiyaasaq.caleyk
@abdishakurmahamed8674
@abdishakurmahamed8674 Год назад
cassava ku werara Aya Lola carara waw aaaaaaaaa
@zuhaipomer8903
@zuhaipomer8903 7 лет назад
Danke
@JabuutiTV
@JabuutiTV 7 лет назад
Bitte schön
@qooryarestudio
@qooryarestudio 6 лет назад
+Jabuuti TV viele danke
@SacidcaliCali
@SacidcaliCali 5 лет назад
Culasa allahayow naftu cato badan arimaha cuyubana cilkabi weyna maa dhulka colowno cirka igo sodumay ax wlahi hestan sibey iitabatay 😭😭
@munadugsiiya5098
@munadugsiiya5098 2 года назад
Culusaa alahayow naftu caato badanaa arimuhu cuyubanaa ciil kaanbi waynaa ma dhulkaan colowno cirkana igu so dumay wa maxay cidhidhigu day Wednesday 16 June 2022 Malin xasuus mudan lkn sidan rabay may noqoty Thursday night sidaan rabay oo safar dheer oon ka galay awgiih gushiih baa I racday
@mohamedosmanadan6864
@mohamedosmanadan6864 Год назад
Heesaha Soomaaliyeed ee aad Copyright ku xeri iska daay oo hadda ka fur heestan Copy right ka aad ku xirtay
@ugbaadshanle
@ugbaadshanle 3 года назад
𝐂𝐮𝐥𝐮𝐬𝐚𝐚 𝐚𝐥𝐥𝐚𝐡𝐚𝐚𝐲𝐨𝐨𝐰 𝐍𝐚𝐟𝐭𝐮 𝐜𝐚𝐚𝐭𝐨 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐀𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐮 𝐜𝐮𝐲𝐮𝐲𝐛𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐥 𝐤𝐚𝐚𝐦𝐛𝐢 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐧𝐚𝐚😔 𝐌𝐚 𝐝𝐡𝐮𝐥𝐤𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐨𝐥𝐨𝐰𝐧𝐨𝐨 𝐂𝐢𝐫𝐤𝐚𝐧𝐚𝐚 𝐢𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐮𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐜𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐧𝐮😢 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐟 𝐥𝐚𝐦𝐚 𝐡𝐨𝐫 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐬𝐚𝐝𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐚 𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐡𝐨𝐪𝐚𝐛𝐨𝐨 𝐂𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚𝐧𝐛𝐢 𝐡𝐨𝐰 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐚𝐧 𝐓𝐚𝐥𝐨 𝐰𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐥𝐨𝐨𝐥 𝐚𝐝𝐚𝐲𝐠🥺 𝐇𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐰𝐚𝐜𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐜𝐚𝐚𝐫𝐢𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐧𝐧𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐪 𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐥𝐨 𝐀𝐝𝐧𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐂𝐢𝐦𝐫𝐢𝐠𝐚𝐚 𝐤𝐮 𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐨𝐰 💔🤲 05/12/2020
@sadaamabdimajidho7881
@sadaamabdimajidho7881 Год назад
Oh is favourite song
@bilantaher5835
@bilantaher5835 Год назад
Pop
@gouledomar447
@gouledomar447 4 года назад
Mnchal
@xaqsoocmedia8262
@xaqsoocmedia8262 3 года назад
Talo waacalool adayg
@kenansavli2376
@kenansavli2376 3 года назад
Talo waa calool adayg
@awalehmoussab9621
@awalehmoussab9621 10 месяцев назад
D'apres Rachid hachid lettre de gabod😂
@theintelligenceofxavi2950
@theintelligenceofxavi2950 4 года назад
cajiib
@mehdihuffaneh1584
@mehdihuffaneh1584 5 лет назад
yaa dawanaya heesta wali 11/2/19 waxay daruri curataaha marku cadul shiba ee dhirtu waxay cusbata ooy curabtasaarta
@ista6776
@ista6776 5 лет назад
01/03/2019😍
@aydarusfaysal9817
@aydarusfaysal9817 5 лет назад
16/06/2019 axad 11:40✌️✌️✌️✌️
@abdiqadir229
@abdiqadir229 3 года назад
Calooshuna kumay Nicin cidna kaama Raacin saw nabad ii Ceel kuma ridin Kkkkk ...aniga waxaan Ka amaan la.ahay Noocaas oo kale
@aamirmatiasofficial5353
@aamirmatiasofficial5353 5 лет назад
Nimcaan oo qaadaya ayan kaso arkay
@suhaybabdixakiin
@suhaybabdixakiin 2 года назад
Still
@sadoyusuf2885
@sadoyusuf2885 3 года назад
Talo waa calool adayg waa erayo qiimo leh hada lagama yabo in la helo erayo micna samaynayaa
@qooryarestudio
@qooryarestudio 4 года назад
Ubad waa laceliyaa Cudud loogu faana Caashaqa kuwerara Ayaa loola cowdaa sorry😭😭😭😭😭
@apdymawel5237
@apdymawel5237 3 года назад
Weliga cidhiidhi ma dareentay?!
@axmeddeeq7314
@axmeddeeq7314 Год назад
Sooewrjiy
@nagmaaydarus9364
@nagmaaydarus9364 Год назад
Ma dhulkaan culoownoo Cirkanaygu soo dumay Waa maxay cidhiidhigu Wakhti kale ayaan halkan soo bookhan doonaa insha allh😢
@juweriyaadawe4989
@juweriyaadawe4989 7 лет назад
Adna caana iyo nbd cimriga ku nolow akhi😢😢
@JabuutiTV
@JabuutiTV 7 лет назад
👍
@calasoow38
@calasoow38 6 лет назад
😢😢😢
@juweriyaadawe4989
@juweriyaadawe4989 6 лет назад
Cala Soow hes ma dhagesatana😒
@calasoow38
@calasoow38 6 лет назад
dadki hore mararka qaar 😅😅😅
@juweriyaadawe4989
@juweriyaadawe4989 6 лет назад
Cala Soow isku mid nahay apyo😂😊
@alijamac1804
@alijamac1804 Год назад
Xamud
@alijamac1804
@alijamac1804 Год назад
X
@simaaciilmadoobe3327
@simaaciilmadoobe3327 6 лет назад
reer Djibouti beri. horay heesaha reer Somalia blaa been inay bililiqaystaan heestani waxan ka mid ahayd heesihii riwaayadii. duni aakhir seben ee. hoobaladii waa beri dhigeen ka waran
@saaycn5473
@saaycn5473 6 лет назад
abdi mohamed qof kaste ayaa garanaaya, heeskan waa original ee maaha copy. Beenta si ula Kas ah ayaad u sheegaysaa si comment kaagu jawaab u helo.
@munahabone3963
@munahabone3963 6 лет назад
waxaa iga yaabiyay soomalida aan reer djibouti ahayn meel kaste dood, iyo hadal ayna iska hubin umbay la soo boodan, mise been ay iska garanayaan bay marsiisanayaan ? waan garan wayey, imisa heesood oo reer djibouti leeyihin bay xadeen oo waliba dafiraad indhaha lagugu jiidi. Bal maxamed aden uu noolyahay oo waliba heestan uu kahad lee wax ay iyagu run moodaan umbay dad runta is og iney u sheegaan donaan. dagalkii baa madaxa ku wada dhiftay malaha. Ilahow u gargaar Amine
@iloveyouhooyomcn9562
@iloveyouhooyomcn9562 6 лет назад
abdi mohamed hhhhhhhhh af nol unba hadla iska hadal kkkkkk
@moustassamatar5140
@moustassamatar5140 6 лет назад
abdi mohamed .. dogoon beenlo war heesta waa ha luu go heesay wabari oo jiriin tuugiin heesa has waa reer somalia
@jamalali3175
@jamalali3175 6 лет назад
abdi mohamed reer somalia xagey fanaaniin ku lahaayeen hal nin oo fanaana oo reer somalia lamahayo fanaaniinta oo dhan soomaaliland ayey kasoo jeedeen siiba rer hargeisa ayey ubadnaayeen adeero soomaali waa hore ayey kala guratay nin kasta wixii uulayimid dibuu ula laabtay hadaad wax aad adigu alifatay somali kaaga maqanyahy ka dooni hadii kale haadkaaga hayso haka bixinii yaad jar kadhicinee
@moussaahmed3621
@moussaahmed3621 3 года назад
P
@horiyoningeeyahaguursado2387
@horiyoningeeyahaguursado2387 6 лет назад
Culusaa allahayow 😭😭😭😭
@welcometodjibouti
@welcometodjibouti 7 лет назад
Merci
@JabuutiTV
@JabuutiTV 7 лет назад
👍😊
Далее
Ismaaciil Caynaan & Nimco Jaamac
12:23
Просмотров 310 тыс.
Mohamed Aden Dugsiiye - dardaaran
5:37
Просмотров 179 тыс.
Fadun &  Mohamed
8:42
Просмотров 816 тыс.
Gufaaco
7:36
Просмотров 201 тыс.
YOW KALA WARRAMA {FAADUMO AXMED DHIMBIIL}.
6:16
Просмотров 212 тыс.
Omar Aden / Heestii : Naf uu Jacayl Saanyadoo Seeran
4:51
Siciid ismaaciil & Nimco jaamac - Galaayuus
7:51
Просмотров 136 тыс.