Тёмный

Muse Hudle (Ahun) iyo Cali Maxamado 1983 [3GABAY OO DHEX MARAY] 

WEELEE MAHADHADA
Подписаться 436
Просмотров 3 тыс.
50% 1

3Gabay.
•[Cali Maxamadoo Gabayga 1aad]
"Aduun baa dabuubtiisa gabay diraya Muusowe"
"Aduunba dareenkaagu yahay daacadnimadiiye"
"Aduunba damqanayoo xumaan diidan waligaaye"
"Adaa nabadu duugay lahayd wada dadaalkeede"
"Aduunba daneeyee ninkii dharagsanaa diidye"
"Miday darajo labadiisa garab daahir ku ahaato"
"Dulmiguu ku xoogsado hadaad damaqdo boogtiisa"
"Xaqqa daaha laga qaado waa laysku dilayaaye"
"Dibnahagu yay Ina Hudlow kaala dhicin dayn"
"Danbi ruux galaa maalintuu dib u garabaayo"
"Dawuu hadalku yeeshaa khalqigu dib ugu aayaane"
"Waa lagu deldelay qaar horo'o mariyay Deelleeye"
"Daalibal cilmigii waa kuwaa daayay Maansada'e"
"Inta Dirirku waa hoorranyee baxayo Doogiisu"
"Dabaysha iyo xilliga waa inaad garato Dayreede"
"Danbarsamaha eeg oo wixii dadan ha faallayn"
"Haddii daawo bari yeelateen dum'i wanaagiiye"
"Haku degan Afgaab yuu silsilad kugu danbaysiine".
•[Muuse Hudle Gabayga 2aad]
"Caliyow nimaan waayo arag ama se weynaan"
"Waayaha adduunyada ma oga wehesho mooyaane"
"Wakhtiyada isdoorshaana way kaga wareershaan"
"Nin wax garanayaa Uumiyaha lala walaalaaye"
"Warka geenyo iyo yaan yabaal waalo kuu tumine"
"Sun waraabe yay kuugu shubin i waaxyo geeda leh"
"Wanqashiisu geedkii nimay wali ka laalaado"
"Adoo kale Afgaab kama warramo wacadkii noo yiile"
"Waraabihii biriishkii ka dhacay waaga barigiisa"
"Sidiisii waraar iyo jar dheer hayska walamsiine"
"Adeero wakhtiga hayska lumin wiil yar baa tahaye"
"Dhaaxa Adduun walamsateen walanqadiisiiye"
"Waslada idin dhaaftaad hadana weer u xidhataane"
"Waliiday kasoo tiil inaad daba warraaqdaane"
"Waran bay idin deeqe samahu idinma waabshaane"
"Waxa se wacan in lagu tiirayaa geedkii weerane".
•[Cali Maxamado Gabayga 3aad].
"Gartaada la eega intaan geedka loo imane"
"Adoo gooniya la akhrista gacalleh Muusowe"
"Guddi kugu dhadhaartiyo intaan Guurti kugu qaadin"
"Waa laga garaaba iyadoon lagu gayaysiine"
Hadaad gocotay maansada inaan kugu gadaafeeyay"
Gaashan dhig bay kuu ahayd guuta xoog badane"
"Adoon gogol dhiggeediyo naxwaha garanin Suugaanta"
"Gurrac ha'u turjuman waanadii guud marka ahayde"
"Gacal baynu nee maalintad guuxa ka horreyso"
"Way ila gudboon tahay inaan gaabso ku idhaaye"
"Haddaanad goosanayn talada waan kuu gunaanaday"
"Guul-guul haddii aad istidhi gaban yar weeyaane"
"Cimrigad gashiyo aynigaa galabta aad joogto"
" Inaad tahay gankii waayo arag guudka ka cirroobay"
"Waan garansanay inad wax badan iga Gu'weyn tahaye"
"Ninba garashadii waa intuu Eebe galiyaaye"
"Geediga la raro reerahaan gaadhi karayaaye"
"Haku guban, Gammaan waan aqaan guluf uheenseeyeh"
"Godob kaa maqnayd iyo haddaad aano gudanayso"
"Godkii lala fadhiyay baa nin raggii gumuc ku tuuraaye"
"Muxuu Geenya qabay waadiga saaray geedade"
"Ninkii gabay lasoo faro haddii aad ka gubanayso"
"Gammuunkad riddaba qaansaduu giijiyaa Cumare"
"Waa kii garbaha kuugu siday gamasyadaadiiye"
"Ma gafbuu ahaa kaad lahayd iga guddoonsii"
"Afarta geddaan odhan jiray iyo gabayadaydii dheh"
"Gahayr iyo sidii Qowdhankii ma u giraan giriyay"
"Geddan kalena waa erayadaad gudub u heensaysay",
"Garaadka iyo haddii aan caqligu gaabis kaa noqanin"
"Taariikhda Guunka ah wixii galay ha moogaane"
" Markuu Haybe gacantiisa midig guudka kaga tuuray"
"Ninkii Go'a lahaa maalinta laga galiilyooday"
"Ina Guure ma ahayne way inoo gudboon yahaye"
"Goob jooga nimankii ahaa dib ugadaal raac"
"Garduur1 maalintuu fiqi cigaal geedi ka ahaaday"
"Galabtii nin Labi-Xoon ogaa ima guhaadsheene"
"Gugii xigay Calyaaluu aha guri dhiggaygiiye"
"Gufaacada labaad weerarkii galay laguu sheeg"
"Fule se hooyadii may goblamin guluf colaadeed'e"
"Haddaad gam'asanayd anigu waan geeriyoon jiraye"
"Geedkad istaagtaba mid baa yaala geesi ahe"
"Dhaxaa nin lagu soo gambiyay giigsanaan jiraye"
"Gayigaad degtaa lagu hantiyay gumuc rasaaseed'e"
"Afarta geddaan odhan jiray iyo Gabayadaydii dheh"
"Gahayr iyo sidii Qowdhankii ma u giraan giriyay"
"Geddan kalena waa erayadaad igu gulucaynayso"
"Aduunbay calool xumo guntani gooni kugu tahaye"
"Aduunbay galiilyada xigtadu gogasha kuu taale"
"Anigu waan ka gaaf meeraya goobta dhiiga lehe"
"Inan godob ku beeranan rabin Gabayga Muusow'e"
"Gadh waxan ka leeyahay niman galabsan eedeey'e"
"Hadday gacani waa kugu dhacdood goosan kari wayday"
"Nabarkii ku gaadhiyo anaa xaal gobeed bixine"
"Waa laga gudbee yaan naxligu gooni kaa dhigin"
"Waxba gabaygu yuu ila durkine waxan kuso gaabshay"
"Anoon garab nimuu siinayiyo gacan ku sheegaynin"
"Gaashaanle Sare waa Afgaab Gobolna loo dhiib"
"Waa calanka geesaha shantii guudka kaga taal"
"Midna waa guddoon Ciidagale gaar u leeyahay"
"Waa garan gar Daa'uud sharciga loogu goyn karo"
"Waaka Gobkiisii fadhiya Taliyihii Guud"
"Ninna gacanta kuma saydhi karo tan iyo Guuleed"
"Go'aankii anaa kuu fasilay kugu gulaalnaaye"
"Nin garwaaqsanaya ugu filan gaydh tusaala ahe"
"Geeraar dambeeyiyo hadaad gabayo soo dhiibto"
"Ha gardaadin haasawe aan kula gudboonayn"
"Gujjo hoose iyo yay qabiil gaadhin Maansadu"..
Dhammaad.
17,Nov,2021 Maalin Arbaca ah.
Khaled Khadar Jamac

Опубликовано:

 

7 сен 2024

Поделиться:

Ссылка:

Скачать:

Готовим ссылку...

Добавить в:

Мой плейлист
Посмотреть позже
Комментарии : 8   
@nasriin2229
@nasriin2229 2 года назад
Masha allah tabarakallah cimri dherer iyo cafimaad qab ku waar idam alle aabo
@guleidzultan8235
@guleidzultan8235 2 года назад
abo ali maxamedo allow waa dhararo adunkuye no ka daaa
@WEELEEMAHADHADA
@WEELEEMAHADHADA 2 года назад
Aamiin Aamiin Aamiin waxa ku dhalay nin aad u qiima badan oo aan aad u jeclahay. Adiga iyo qoyska Reer Cali Maxamed Cilmi Allah ha barakeeyo.
@AbdikariinAli-t2y
@AbdikariinAli-t2y 13 дней назад
Wan salamaya sadexdan mujahid waa dayrwaa cali maxamdow iyo ismaciil yare anigoo ah mujahid cabdi cunaaye
@AbdikariinAli-t2y
@AbdikariinAli-t2y 13 дней назад
waxanu ismaciil,yare ka waday waar raqdiina ha fogaynina sidan snm dal kuma xoraynmaysee waa nool yihiin sadexdan mujahid waa cali m dayrwaa iyo ismaciil yare waan salaamaya sadexdan mujahid anigoo ah mujahid cabdi cunaaye
@AbdikariinAli-t2y
@AbdikariinAli-t2y 13 дней назад
afaraydan gaaban labadan mujahid waxa u tiriye waa cali iyo dayrwaye mujahid la odhan jiray ismaciil yare oo isagu halka kaga hadhay gada galkii snm 88kii waxau ka waday waar raqdiina ha fogaynina sidan dal ku xoraynmaysane hada waynool yihhiin sadexdan mujahid waa cal m dayrwaa iyo ismaciil yare wan salamaya aniga oo ah mujahid cabdi cunaaye
@AbdikariinAli-t2y
@AbdikariinAli-t2y 13 дней назад
.dal ay qabto daa haday doolo ka hilaacin ay doqontu adhigeeda qaban caligan doobeeyey uu dayrwaa ku noqon celiyo duurkeedii oo daynkii hayle ka baxay dunidu faaxalayn oo janankan dibiray dabadu dhuubnaani waa xiligii guda galkii snm ee 88kii afarayda gaaban waxa u tiriyey labadan mujahid mujahid la odahan jiray ismaciil yare oo isagu halkaa halgankii kaga hadhay waxanu ka waday waar sidan dal ku xorayn mayno ee raqdiina ha fogaynina sedexdan mujahid way nool yihiin hada halkana wan ka salamay anigo ah mujahid cabdi cunaye
Далее
*Xareedo Ismaciil "Duniya" Ahun |
6:58
Просмотров 69 тыс.
لدي بط عالق في أذني😰🐤👂
00:17
Xaaji Dallaayad - Birmgeydo
19:31
Просмотров 6 тыс.
BARNAAMIJ GAAR AH MUUSE CALI FARUUR
55:53
Просмотров 53 тыс.
Xasan Tarabbi - Ciddi-jiid
6:18
Просмотров 30 тыс.