Тёмный

Maxamed mooge @(ileyn dani xishood male) 

Qarami Media Pro
Подписаться 29 тыс.
Просмотров 102 тыс.
50% 1

Опубликовано:

 

21 окт 2024

Поделиться:

Ссылка:

Скачать:

Готовим ссылку...

Добавить в:

Мой плейлист
Посмотреть позже
Комментарии : 106   
@siid-calicabdi651
@siid-calicabdi651 2 года назад
Mahamed mooge iyo Ahmed mooge feysal cumar mushteeg fananka iyo cabdinaasir macalin saciid samatar alla ha u naxariisto janada alla ha galiyo samir iyo iimaan alla hanaga siiyo
@zakariadayib1770
@zakariadayib1770 5 лет назад
Erayada heestu waa sidan Dadku waa ogsoonyoo ileen dani xishood male Kal gacayla duug male Marka daacad lagayee Waa tii uu ku daaree Dura lagu haleelee Ana lay danqaabee baaxaa dagaaye Aynu kala daraanayee Isku dooni fuulaye Ma anigaan dadaalayn Ma adigaa danteen wadin Oo nacab ku duufsaday Da'deenii hayaanteee Dhextaalka (Maxaa dayrka kuu dhigay Ana dabarka igu xidhay Hadalbaan la daynayn) (X2) Daandaansi caashaqa Markii laguugu soo dagay Ee aad dakaysnayd Anba ruux daddaayoo Dani igaga xidhantahay Waa taan daweeyee Kuu digigixoodee Ficillada dareemee Kuumaan dardaar warin Oo kuguma dayrine Sowtaad ideeqdee Anigoon dardaar warin Sowtaan horseed diray Markii aan daryeel'laa (X3)Waxay kuugu darantahay Ruuxaad dagaysee Midkale uu dilaysaa Marku kugu dareemee Doqontaad gargaartee Danbiga u galaysaa Iyana kuu dudaysaa Naftan aan ku daynayn Dibna kaaga noqonin Yaa digasho eegmada Adna daawanaysaa Waa caadadii dumar Oo ima damqaysee Doogtayda waan dhayan Erayada tafsiiirka u baahan #Dura ➡️bari hore #Doog➡️ nabar madaxa ah oo soo kacdooma hadba sida qof uu mas cunay bari oo suntiisii ku jirto #Danqaab? Qof la dhibay ama la heley
@Qaramimedia1
@Qaramimedia1 5 лет назад
Thanks sxb hawl iga qabyo ahayd baad dhameysay noolow
@runbaalagutanaadaa8679
@runbaalagutanaadaa8679 5 лет назад
Laba meelood aan kuu saxo. Halka aad ka dhigtay "Ee aad dekeysnayd. Waa ee aad dayaysneyd" Sidoo kale halka aad ka dhigtay "Ruux dadaaloo"iyana waa ruux da'daayoo". Halka aad fahmi waydayna waa " Naftan aan ku dayneyn". Allaa macak. Wax badan ayaaan qoraalkaaga ka faa'iday. Nuuradiina dedaalka uu geliyay aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaynaa. Waan ku xidhanay bogiisa gaar ahaan heesaha Maxamed Mooge.
@zakariadayib1770
@zakariadayib1770 5 лет назад
@@runbaalagutanaadaa8679 Mahad sanid sxb sixitaanka aad na saxday
@runbaalagutanaadaa8679
@runbaalagutanaadaa8679 5 лет назад
@@zakariadayib1770 Niyow hees kale oo uu leeyahay ayaan meelo badan fahmi waayay. Waxa aan u baahnay in aynu wada xidhiidhno.
@zakariadayib1770
@zakariadayib1770 5 лет назад
@@runbaalagutanaadaa8679 Waa si fiican sxbe qudhaydu qaar badanbaanan fahmine waa tee heestaasi bal inaan wax ka qaban karno
@mohameddeeq6374
@mohameddeeq6374 4 года назад
Erayadi AUN Cali saleeban bidde Laxanki iyo kabankii Jiim sheikh mumin Coda AUN Mohamed mooge
@SLNTVs
@SLNTVs 3 года назад
Alle haw naxariisto Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan
@Qaramimedia1
@Qaramimedia1 3 года назад
Aaammiiinmn
@ahlaamito.offical4253
@ahlaamito.offical4253 4 года назад
Qaraami media indr ilaahaybaad garanaysaaye heesta 5sano ayaan raadinayaye thnks ina mooge inlahay hawnaxariistee
@aminaayousef7462
@aminaayousef7462 5 лет назад
Maashaa Allaah,, Allaylehe reer somaliland boogtoodii way dhaydeen, waanay saxeen qaladkay lixdankii galeen, heestan magaceedii qarsoonaa wuxuu ahaa( xamar iyo hargaysa) amba hargaysa oo xamar la garramaysa,, AUN maxamed mooge liibaan( mooge baban) afbuu ku ciil baxay,,,,,
@mohamedrabi1890
@mohamedrabi1890 4 года назад
boqarka coka Allah ha ku unaxaristo
@rashidhassan572
@rashidhassan572 5 лет назад
Yaa Salaam ! Codkii macaanaa ee fannaankii weynaa AUN Maxamed Mooge Liibaan iyo kabankii Jiim Sh Muumin
@ridwaanmohamed9581
@ridwaanmohamed9581 5 лет назад
Maaha Kabanku Jiim Sh Muumin waa Maxamed .Mooge iska sax sxb
@cabdiidiris9698
@cabdiidiris9698 4 года назад
Waa maxamade maaha jiim ilahay ha unaxariisto
@buuxciise1382
@buuxciise1382 2 года назад
@@ridwaanmohamed9581 waa jiim sheekh muumin
@buuxciise1382
@buuxciise1382 2 года назад
@@cabdiidiris9698 waa jiim sheekh muumin
@Qaramimedia1
@Qaramimedia1 5 лет назад
Qaar badan oo aan la hayn na waan soo wadaa
@aliosman8418
@aliosman8418 5 лет назад
Soo geli saaxiib heeso kale oo fannaanakani lahaa AUN
@abdulkaremawad2765
@abdulkaremawad2765 5 лет назад
Sxb soo raadi m mooge uun heesihiisa sii lumaya mahadsanid
@dhagardiidnasruallaah4213
@dhagardiidnasruallaah4213 4 года назад
QARAAMI MEDIA ali wale weligey ma maqal allaah yarxam sayid mahamed mooge Libaan hadaan dhiman xamar taaladiisu waan kataagi goortay doontaba ha igu qaadaye inshaa allaah illaa maanta Waan la tiiraanyooneynaa xanuunki geridiisi allaah yar xamhu
@madarauchiha2557
@madarauchiha2557 4 года назад
NiN TaGaY WL3 GaCaN BaN Ku TaGey
@maalmadarginiis1327
@maalmadarginiis1327 4 года назад
Lasoo dhakhso wll
@abdulkaremawad2765
@abdulkaremawad2765 5 лет назад
Saaxibayaal soo raadiya qaar kalana Laakiin sideed ku soo heshen somaliba may hayne mahadsanidin
@axmedcilmi2824
@axmedcilmi2824 4 года назад
Wxaan hayn jiray iyadoo cajalad ah dib uma arag heestan hada ayan dib u helay mahadsanid
@abdihayd4075
@abdihayd4075 4 года назад
Alle ha naxariistii Janno ha Ka warabiyo
@youngdhegbour17
@youngdhegbour17 5 лет назад
Allah ya cisak waa fanaankii waynaa ee MAXAMED MOOGE LIIBAAN ALLAH HAW NAXARIISTEE QARAAMI MEDIA ZHP. IYADOO LYRICS AH AYAAN U BAAHANAHAY 17/10/019 Haloona duceeyo waa maalintii uu shahiiday Allah haw naxariistee (MAXAMED XAASHI DHAMAC)(LIXLE)
@azlmcl198
@azlmcl198 4 года назад
alle labada shahiid/mujaahid janada haka waraabiyo aamiin.
@sahalcali4196
@sahalcali4196 4 года назад
Ilahay hawnaxaristo janadiisii fardawsana hageeyo
@MiiraaleShow
@MiiraaleShow Год назад
Ileen dani xoshood male Galgacaylna dooq male Marka daacad laga yee
@ridwaanmohamed9581
@ridwaanmohamed9581 4 года назад
Bal u fiirsada mucisga 2:53 ilaaa 2:58 wuu kaga hadlinayaa waleee qof sidaa u tuma lamansoo helaayo 100 sano danbw
@ismaacilsamakaab43
@ismaacilsamakaab43 4 года назад
Marxumka ilahay ha unaxaristo amiin
@SiciidGabarre2419
@SiciidGabarre2419 4 года назад
Heestan waxa aan baadhayey muddo lix sanno ku dhow oo aan meel walba ka baadhay ayaan caawa halkan ka helay, waxa aan arkay in aad afar bilood ka hor soo geliseen halkan. Aad baad u mahadsantihiin bahdiinna halka lihi ama shakhsiga soo geliyayow, waan ku xidhnoon doonaa bartiinnan waanna isku xidhay oo jeliska ayaan furtay. Mar labaad mahadsanidin/mahadsanid
@cnsirjama2217
@cnsirjama2217 4 года назад
Waa midkamida heesaha aan aduunka ugu jecel ahay dadku wuu ogsoonyahoo ilayn Dani xishood male kalgacayla duug maleh kolka daacad Laga yahay maanigaan da,daalayn maadigaan danteen wading oo nacab Ku diifsaday
@hiddoomediaproduction6240
@hiddoomediaproduction6240 5 лет назад
Thanks sxb qaliyaa Maxamed mooge heesihiis lumay baad soo heeshay rageedii 50 midh bay ku meeraysanayaN
@Qaramimedia1
@Qaramimedia1 5 лет назад
Sow maaha inyaroo laga daaley uunbey soo celcelyaan thanks sxb
@sahalcali4196
@sahalcali4196 4 года назад
Haa sxb Mujaahidku heesa badan ayuu lahaa inta lahayo mooye waliba Radio Hargaysa ayaa haya lkin dee Idaacadihii iyo tvyadiiba ciyaal ayaa qabsaday heesaha dambe uun kugaraadsaday
@shafieabdi9728
@shafieabdi9728 3 года назад
Waw maxamed mooge liibaan shimbir baban ilaahaw u naxariisto fanaan soomaaliyeedbuu ahaa oo aan aad u taageero
@abdirizakahmed73
@abdirizakahmed73 4 года назад
Heestani waa heestii aan ku fahmey heesaha maxamed ahn
@dhagardiidnasruallaah4213
@dhagardiidnasruallaah4213 4 года назад
Waxaan ahay ruuxa oogu dhageysiga badan heesihisa bale xaqiiqadu waxeytahay soobi waayay codkiyo laxanka iyo murtida ayuu waxa fanaan jiray ama jiraba kaga horeeyay
@feisalhussein6456
@feisalhussein6456 4 года назад
Aniga amaan kaaga badnahay dhageysiga heesaha ustaad maxamad mooge AUN
@abdulkaremawad2765
@abdulkaremawad2765 5 лет назад
Ismaan lahayn heeso maxamed mooge ah ayaa ku dhinaa Waar ragani video m mooge way soo heli
@sakariyeyuusuf5294
@sakariyeyuusuf5294 4 года назад
Waa lahayaaba kaas hhhh
@fuadali1983
@fuadali1983 5 лет назад
ala yaa cisag sxb heestani waa mid igu dheer oo qaliya. oooh maxan raadiyay in aan helo
@abdihakimmohamud9373
@abdihakimmohamud9373 3 года назад
"Dadku waa ogsoonyoo ileen dani xishood male Kal gacayla duug male Marka daacad lagayee Waa tii uu ku daaree Dura lagu haleelee Ana lay danqaabee baaxaa dagaaye Aynu kala daraanayee Isku dooni fuulaye Ma anigaan dadaalayn Ma adigaa danteen wadin Oo nacab ku duufsaday Da'deenii hayaanteee : Somalia/Somaliland: (Maxaa dayrka kuu dhigay Ana dabarka igu xidhay Hadalbaan la daynayn)"Xigasho.Zakaria Dayib.
@sacadbagaase1045
@sacadbagaase1045 2 года назад
Yasalam mooge
@maxamedaxmed4724
@maxamedaxmed4724 5 лет назад
Zxp qaraami media wd mahadzantahay zidaad u zoo heshay heesaha mujhd Maxamed mooge liipaan qar kaloo LA wayayna wax a an umalaynayaa in aad zoo heleyzaan inzhlah
@Qaramimedia1
@Qaramimedia1 5 лет назад
Haaheey thanks kuwa maqan iisoo sheeg
@cabdiaska
@cabdiaska 5 лет назад
Ubixii baxaayow sow diga abaarsaday xaajiga ku adima afkiinoo weerarada abaabula duri baxay iyo qaar kaloo badan
@johnsomali8634
@johnsomali8634 3 года назад
Heestan inbadan ayaan raadinaayay walaahay alle haw naxariisto
@Qaramimedia1
@Qaramimedia1 3 года назад
Aamiin aamiin
@garyaqaanmuuseyuusuf4793
@garyaqaanmuuseyuusuf4793 3 года назад
32 Sano, ayaa laga joogaa Bishii June 1984-kii xilligaas oo Geesigii Maxamed Mooge Liibaan iyo 16 dagaalyahanaddii SNM wehelisay Maxamed Mooge Liibaan? 32 Sano, ayaa laga joogaa Bishii June 1984-kii xilligaas oo Geesigii Maxamed Mooge Liibaan iyo 16 dagaalyahanaddii SNM wehelisay ay ku nafwaayeen Jid goyn cadowgii u galay Meesha la yidhaa Meer meerta oo u dhaxaysa Awaare iyo Dhagax Buur. Waxaan qoraalkan kooban idinkula wadaagayaa sidii Abwaan Maxamed Mooge u dhintay anaga waqtigaas isku qol seexan jirey Maxamed Mooge. Anigu waxaan ahaa waqtigaas Sarkaal ugu sareeya kaydka iyo logistics Xeradda Aware ee Xeradda Taliska & Ciidanka Tabarka Awaare. Bilihii April iyo May waxaa Awaare ka dhacay Shirkii Guud ee SNM waqtigaas oo Maxamed Mooge oo ahaa madaxii Warfaafinta iyo Idaacaddii Halgan ee SNM uu halkaas u yimid shaqadii Shirarka SNM. Waxaa Maxamed Mooge la socday Maxamed Baashe Xaaji Xasan. Markii shirarkii dhammaadeen Maxamed Mooge oo ah qof aad u bashaasha wuxuu go’aansaday in uu Awaare ku hakado isaga oo nagala qayb qaatay barnaamijyo Siyaasi iyo wacyigelin ah oo loo samayn jirey Ciidamaddii SNM si garaadkooda ku aadan halganka yoolka dhaw iyo yoolka dheer ee laga leeyahay loogu saafo, loona fahansiiyo in ay u dagaalamayaan dadweynaha Soomaaliyeed ee markaas keligii taliyihii Siyaad Barre xukumayey. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii tababaradaa bixin jirey waayo waxaan ka soo baxay tababarkii Xerada Baabuli oo si guud aanu ugu jirey 6 bilood hadana 6 bilood oo kale anaga oo ilaa 50 lanagu siiyey tababarka gaarka ah ee komoondawska. Waxaa kale oo aanu tabarbar kale ku soo qaadanay Iskuulkii Ciidamada Saraakiisha Siyaasada ee ku yiiley Hamarayso. Habeenkii 4 June 1984 waqti fiid ah ayaa waxaanu ka labisanay qol ka mid ah bakhaaraddii kaydka oo aanu seexan jirney aniga, Maxamed Mooge iyo Sarkaal la odhan jirey Xasan Dheere oo ahaa oday da’weyn. Habeenkii ilaa 10kii habeenimo ayaanu ku gaadhnay in aan ku soo cawayno magaalada. Markii aanu damacnay in aanu xeraddii dib ugu soo laabano waxaa ku dhegay Maxamed Mooge dhalinyaraddii reer Awaare in uu la sii joogo oo ay ka faa’iidaystaan aqoontiisa balaadhnayd ee fanaaninimo iyo aqooneed. Maxamed Mooge Allah ha u Naxariisto wuxuu ahaa qof dadku isugu mid yahay oo aan dadku u kala soocnayn. Xilli dambe oo ku dhaw abaaro afartii habeenimo ayuu Maxamed Mooge noogu yimid aniga iyo Sarkaal Xasan Dheere halkii aanu hurudnay ee wada deganayn. Waanu iska sheekaysanay oo sidii ayaa Salaadii Subax lagu tukaday oo quraacdii iyo shaahii xeradda ku soo qaadanay. Waqtiyaddii Maxamed Mooge iyo aqoon yahan badan oo ka mid ahaa Hogaankii SNM waxay aad uga werwersanayeen in ay qaar ka mid ah Saraakiisha SNM u xagliyeen nidaam ku dhisnaa khalaawo iyo foox in la shido oo awliyada xidhiidh dhaw lala yeesho taas oo ay u arkayeen in asbaabaha militeri ee loo baahan yahay ay arintaasi khatar gelin karto. Waxay ka cabsi qabeen in marar badan la diro ciidan sakhiran oo aan xagga tabaabushaha militeri u dhamayn kaas oo khasaare soo gaadhi karo. Iyada oo taasi jirto ayaa subaxaas anaga oo halkii shaaha ku cabayna waxaa isla kaaya soo taagay nin la odhan jirey Xassan Tarabi oo markaas abaanduule ka ahaa ciidankii degenaa Xerrda Gubadaalaco oo ahaa aaga dhexe ee ku aadan Burco. Iyada oo xaalku sidaas yahay ayaa isla markaa waxaa soo dhacay war sheegayaa in habeenkaas 4/6/1984 uu Taliyihii Ciidanka SNM ee Ibrahim Koodbuur oo fadhigiisu ahaa Kaam Abokor uu siiyey baabuurkiisii iyo ilaaladiisi khaaska ahayd nin la odhan jirey Ina Askar oo Sarkaal ka mid ahaa SNM isla markaana ahaa ragga aad u khalaaweeya oo rag badana u ahaa Sheekh. Ninkaasi maaha Kornayl Cabdillahi Askar. Baabuurkii taliyaha, ilaaladiisii iyo Wadaadkii Ina Askar oo ku socday habeenkaas Ramaso waxaa Jabhad ka tirsan taliskii Ciidanka Siyaad Barre ka heshay meel la yidhaahdo Celiyo. Waxay laayeen Ciidankii ilaalada ahaa iyo Sarkaalkii Ina Askar baabuurkiina subaxiiba waxaa la geeyey Hargaysa. Maxamed Mooge Allah ha Naxariisto isaga oo arintaas ka xanaaqsan ayuu ku yidhi Xassan Tarabi oo ka mid ahaa raga khalaaweeya, wadaadka la dileyna xertiisa gaarka ah ka mid ah: " Xassan Tarabiyow xiligaas aadka u xun oo qof wax ka yaqaana Ciidamada iyo amnigooda aanay suurtogal ahayn maxaa haddii Ina Askar yahay awliyo wax la tuso uu ciidanka faqashta ee Celiya ku gabanaya uu u sii arki waayey oo awliyadu ugu sii sheegi weydey?”. Xassan Tarabi inta uu cadhooday ayuu baastoolad la baxay oo Maxamed Mooge oo noo dhexeeya aniga iyo Xassan Dheere uu ku riday. Xabad ayaa Maxamed Mooge ka cuskatay halkaa goljilicda ee sarcanta guudkeeda. Maxamed Mooge waxaanu ula cararay dhakhtarka Ciidanka ee Awaare hase yeeshee dhakhtarkii wuxuu ku taliyey in loo qaado Dhagax-Buur. Haddaba shirqoolkaasi lagu dilay Abwaan Maxamed Mooge Alle ha u Naxariistee iyo ilaa 16 qof oo la socday wuxuu dhacay Afartii Bishii June 1984-kii , xilligaasi oo lagu dilay Jid goyn loogu galay meesha la yidhaahdo Qaswareen ama Meer meertada oo ka shishaysa una dhaxaysa Awaare iyo Dhagax Buur. Maxamed Mooge, gaadhi Land Crusser ah oo Toyota ah oo noocii hore ee Siible qafasle ah ayay saarnaayeen isaga iyo nin. - Raga kale waxaa wehelisay gabadh Faadumo la odhan jiray oo iyaduna la socotay, halkaas ayaa Ambush jidgoyn loogu galay waxaana u galay dadkii halganka dhabarka kala dagaalamay. Dadka dilay oo ka koobnaa oday iyo wiilal uu dhalay iyo qaraabadiisa waxay daba socdeen aanooyin la buunbuuniyey oo cadowgii ka faa’iidaystay. Ilaa 16 dagaalyahan ayaa ku dhintay oo Maxamed Mooge ka mid ahaa, Aadan Guhaad oo Aadan Waali la odhan jiray ayaa ka mid ahaa waxa uu ahaa taliyihii Amniga SNM, waxa kale oo ka mid ahaa nin taliye ahaa oo Daa’uud la odhan oo geesi ahaan jiray iyo gabadhaas dhawr iyo toban qof ayay ahaayeen halkaasi ayayna ku dhinteen.Waxaa ka baxay hal wiil oo ay meyd ahaan uga tageen oo markii dambe noolaaday oo loo bixiyey Sigad hase yeeshee ku dhintay halgankii SNM. Halkaas dagaal balaadhanbaa ka bilaabmay oo dhex maray Beeshii uu Maxamed Mooge ka dhashay iyo Beeshii Nimankii jid goynta galay , dagaalkaasi wuxuu bilaabmay Bishii June 1984 wuxuu dhamaaday dabayaaqaddii 1986-kii. Dad badan baa dagaalkaas naftooda ku waayay’’. Alle ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Mooge Liibaan Bishii June 5, 1984 ayaa isaga iyo dagaalyahanaddii Maalintaa lala dilay waxa lagu aasay Awaare Geed ku yaala oo Weerane la yidhaahdo oo dhinaca Midig kaa qabanaya. Sida uu ku sheegay filim taariikheedkii Boobe Yuusuf Ducaale oo sharax ka bixinayay taariikh nololeedkii iyo shakhsiyadii Marxuum Maxamed Mooge, waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge wuxuu ahaa Mujaahidiintii halganka Soomaaliyeed ka qayb galay waxa uu ku horeeyay Jabhadii SSDF, waxa uu ku danbeeyay Jabhadii SNM, Alle ha u Naxariistee wuxuu dhashay ilaa 1943-1944-kii, waxaana uu ku dhashay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaraf, Waxbarashiidii dugsiga Dhexe waxa uu ku dhamaystay dugsiga Axmed Guray , ka dibna tababar Macalinimo ayuu qaatay’’. Boobe waxa uu sheegay in Alle ha u Naxariistee Marxuumku isagoo macalin ah uu Fanka Bilaabay. ‘’Tababarka Macalinimo wuxuu ku qaatay dugsigii Camuud , Macalinimadiisu wuxuu ka bilaabay dugsiga Xaafada New Hargeysa, degmada Oodweyne ayuu ka shaqeeyay , isagoo Macalin ah ayuu Marxuum Maxamed Mooge Fanka Bilaabay’’. Boobe Yuusuf Ducaale isagoo sharaxaya kaalintii uu fanka kaga jiray Maxamed Mooge waxa uu yidhi ‘’Maxamed Mooge waxa uu ahaa inta tirada yar ee laamaha badan ee fanka Kulmisa, Maxamed Mooge nin hal abuur ah ayuu ahaa heeso ayuu lahaa, heestiisii ugu danbeysay wuxuu tiriyay Bishii April sanadkii 1984-kii midhihii waanu helay , laakiin laxamkii wuu lumay’’. Boobe waxa kale oo uu ka hadlay kaalintii halgankii SNM uu kaga jiray Marxuum Maxamed Mooge waxana uu yidhi ‘’Maxamed Mooge ilaahay ha u Naxariistee wuxuu ahaa nin halgamaa ah oo aan halgankii Soomaaliyeed aan ka baaqan oo marna SNM ku soo dagaalamay saddex sano ka hor aasaaskii SNM ka mid ahaa jabhadii SSDF, Maxamed sidaasi ayuu ku shihiiday oo ay adkayd in Bedelkooda loo helo. Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay Shakhsiyadii Maxamed Mooge Waxa uu yidhi ‘’Alle ha u naxariistee Maxamed kaas ayuu ahaa nin xarago badan ayuu ahaa, nin xishood iyo xarago badan ayuu ahaa, nin Halganku ka dhab yahay ayuu ahaa oo bilaabay sanadkii 1978-kii, oo uu ka mid ahaa SSDF isagoo Addis ababa joogay oo ku sii sugayay SNM’’. Boobe oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi ‘’Marxuumku duruuftaas qalafsan ayuu u badheedhay ee aan dabeecad u ahayn ninka Fanaanka ah oo iska jecel nolol Raaxo leh oo fudud, waxa ka mid ahaa waxyaabihii uu ku dagaal galay kamankiisii oo hees gaar ah uu u tiriyay ayna ka mid ahaayeen deg degooyoow maxaan kula dal maray, waxyaabaha dhaxalka ah ee uu Alle ha u naxariistee uu ka tagay Kamankaas ayaa ka mid ahaa oo hada yaala oo geli doona meelaha taariikhda lagu kaydiyo’’. Boobe waxa uu sheegay in Maxamed Mooge uu mar qudha guursaday oo uu dhalay gabadh la yidhaahdo Yaasmiin oo xilligaas degan Magaalada Nairobi ee Kenya. Waxaan ka soo xigtey Mujaahid sheikh Ibrahim hirsi gacalow oo ku nool dalka england
@axmadcismanmaxamuud5343
@axmadcismanmaxamuud5343 4 года назад
Allah hawnaxariisto
@sahalcali4196
@sahalcali4196 4 года назад
Ilahay hawnaxariste Marka uu Kabanka isagu tumanayo heeskan waa cajiib
@ridwaanmohamed9581
@ridwaanmohamed9581 2 года назад
Kabanka Wa Jiim Sh muumin Boqorka cuudka
@AbdiazizSaidAhmed
@AbdiazizSaidAhmed 4 года назад
Woow, Maxamed oo kabanka isagu tumanaya iyo isagoo ay u tumaayaan ustaadada Maxamuud Ismaaciil Xudeydi iyo AHU Cumar Dhuulle Cali waan arkay lkn gacantii cajiibka aheyd ee ustaad Jiim Shiikh Muumin oo ustaad Maxamed Mooge si heer sare ah ugu tumaya illaa Maxamed laftarkiisu la yaabay sida Jiim wax u kala kicinaayo oo uu yiri '' HAAH" daqiiqada 3:39. Kabanistayaasha shaqsiyan aan gacantooda jecelahay si u kala macalinsan yihiin ustaad Nuradiin baa garan kara oo u kala hormarin lkn anigu list baan iska qorin: Raggii hore: 1. Cumar Dhuulle 2. Maxamuud Xudeydi 3. Jiim Shiikh Muumin 4. Saalax Qaasim 5. Aweys Goobbe 6. Daauud Masxaf 7. Maxamed Mooge 8. Caydaruus Cabdi (Djiboutian) 9. Axmed Cali Cigaal 10. Cabdirisaaq Baadil Ragga dhexe iyo kuwa dambe waxaa jira rag badan oo gacantooda aan jecelahay lkn iyaga laftarkoodu siday u kala macallinsan yihiin waxaa garan kara keliya qof aqoon u leh kabanka iyo miyuusikada: 1. AHU Maxamed Miyir 2. Daauud Xanfar 3. Cabdulqaadir Filfil 4. Nuuradin Cali Ammaan 5. Cabdinasir Macalin Caydiid 6. Kooshin Yare 7. Cabdicasiis Jarmal
@khabiirqaraam7935
@khabiirqaraam7935 2 года назад
Waa cajiib lkn ragii dhaxe Cabdinaasir Macalin waxay ahayd inaad xaga hore ku darto Yacni ma ahayn inaan kawado loodkii danbe inuu ahaa balse ninkaasi Waa Waaweynka
@AbdiazizSaidAhmed
@AbdiazizSaidAhmed 2 года назад
@@khabiirqaraam7935 liiska waan iska qoray waan ogahay Abdinasir inuu u tumay rag iyo gabdho waaweyn albums. U maleyn mayo xataa rag cuudka kaga caansan magac ahaan inay u xarrago tumi lahaayeen heeska SABAALO ee Gacaynte & Amina halkuu gaarsiiyey Abdinasir. Lkn ma aqaan da'da iyo waxay tahaye hadda gacantaas dabayaaqadii 80aadkii ma hayo ustaadku kolay markaan dhadhansado tumistiisa haddeer.
@khabiirqaraam7935
@khabiirqaraam7935 2 года назад
Koley waxaan maqlay inay gacanta wax ka soo gaareen oo ay xabadi kaga dhacday
@kukayoinanka88
@kukayoinanka88 4 года назад
Ax ax ax illeyn dani xishood
@jamalharun8211
@jamalharun8211 3 года назад
Mise waa Dada gooye
@ahmeddeak3162
@ahmeddeak3162 3 года назад
Ilaahay ha u naxariisto
@feisalhussein6456
@feisalhussein6456 4 года назад
2020 Norway yaa ila dhagaysanayo ustaadka AUN
@axmadcismanmaxamuud5343
@axmadcismanmaxamuud5343 4 года назад
Ala hawnaxariisto
@kukayoinanka88
@kukayoinanka88 4 года назад
Maxaa darka kuudhigay ana dabarka iguxidhay daan daan kii caashaqa
@AhmedMohamed-tn5yg
@AhmedMohamed-tn5yg 5 лет назад
Soo qub waa lagaaga fadhiyaa qaraamigee😃
@dhagardiidnasruallaah4213
@dhagardiidnasruallaah4213 4 года назад
Allaah yarxam
@hassanabdillahi2211
@hassanabdillahi2211 4 года назад
MASHA ALLAAH
@kamaalahmed2565
@kamaalahmed2565 2 года назад
baby gii jamaamiyo
@axmadcismanmaxamuud5343
@axmadcismanmaxamuud5343 4 года назад
Waaw
@hagadherianofficial6567
@hagadherianofficial6567 Год назад
GOAT 🐐
@aarkamaantamedia2461
@aarkamaantamedia2461 4 года назад
Alle haw naxariistee like
@Muuse-xm8on
@Muuse-xm8on 6 месяцев назад
❤❤❤
@abdiali7666
@abdiali7666 5 лет назад
Wa cajiba onan maqal 30 years
@IbrahimKhalil-rm4li
@IbrahimKhalil-rm4li 4 года назад
Legend
@axmadcismanmaxamuud5343
@axmadcismanmaxamuud5343 4 года назад
W
@abdibazidibro5307
@abdibazidibro5307 4 года назад
Haduu hiilgeeshi waayo la tuneyd heestani Canjaladii hore dhan u horeysey Maxaan ku mirqaadey Wow still flesh ban ku hayaa lkn heesaha anan dib u arag waa Haaruflow libaaxuba Marku dilo horwayn geel Habar dugaag ideylkood Inuu yidhaahdo ka hirqada Hore inooma soo marin..... Iyo Goobkasta ha oloshoo An iblayska jabinee Weerarada abaabula... Iyo Lix iyo labaankii june ku ladney Kowdii luulyo liibaney Koobiyo labatabkii october leeleelney {lugo’ney}
@abdihakimmohamud9373
@abdihakimmohamud9373 4 года назад
Labadaa hore maan maqal iyo tan iminka ku jirta..Waxaan islahaa Maxamed Mooge heesihiisa waad dhamaysee saw fariba kama qodna hadda garo oo ilaa 1990kii Maxamed Mooge mooyee heesaha kala ma dhagaysto amaba mid mid ayaan mar mar yara dhagaystaa!
@axmedcilmi2824
@axmedcilmi2824 4 года назад
Walaal saddexdaa heesood ma maxamed mooge ayaa qaday ee aad soo qortay Hees maxamed mooge leeyahay oo anan dhegayan maba garanayee Heestaa 26 June ku lednay waxan ku maqlay fanaanin badan oo qaaday
@axmadcismanmaxamuud5343
@axmadcismanmaxamuud5343 4 года назад
.
@axmadcismanmaxamuud5343
@axmadcismanmaxamuud5343 4 года назад
.
@axmadcismanmaxamuud5343
@axmadcismanmaxamuud5343 4 года назад
.
Далее
Maxamed mooge | heestii | Aduunyooy
9:03
Просмотров 30 тыс.
How to get skins for FREE? #standoff #skins #coins
00:34
mohamed Mooge (ileen dani xishood maleh)
8:22
AUN/maxamed mooge hees soodaani ah(Xabiiba ta cumri)
8:01
Maxamed Mooge Iyo Shankaroon Axmed Sagal (Digarogosho)
10:24
Mudantii Haweenkay
9:58
Просмотров 22 тыс.
mohamed mooge plus jiim sh muumin
8:22
Просмотров 7 тыс.
Saranseer
9:40
Просмотров 6 тыс.
How to get skins for FREE? #standoff #skins #coins
00:34