Тёмный

Episode 21:Baqdinta dad Dhexgalka | Social Anxiety | Kabasho| 

Hamda Hussein
Подписаться 81 тыс.
Просмотров 33 тыс.
50% 1

Weligaa ma dareentay in baqdin\cabsi ba'ni ku hadhayso marka aad is tiraahdo dadka dhexgal, madal tag ama meel lagaaga yeedho ay dadku ku badanyihiin? xilqaddan waxaad ku fahmaysaa meesha cabsidaasi kasoo unkamayso iyo qaababka aad u dumin karto ee uga xoroobi karto.
Dhagsi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.

Опубликовано:

 

16 июн 2022

Поделиться:

Ссылка:

Скачать:

Готовим ссылку...

Добавить в:

Мой плейлист
Посмотреть позже
Комментарии : 99   
@fullsun1730
@fullsun1730 2 года назад
Gabadha kaliya ee somaliyad ah een arkay inay ka hadlayso mawduucyo si dhaba qofka noloshiisa uu saamaynaya una bedelaya qofka dhinaca wanaagsan,sida wanagsan e aftahanimada leh eed uso gudbinaysaana wa mid nuxurka mawduuca macno dheerada u samaynaysa masha allah..Channelkan wuxu u qalmaa 1million wuxu u qalmaa in dad badan u gaadho oy ka faaidaystaan wa channel la tartami kara channelada calamiga runtii wan kugu hambalyaynaya hno dadaalka hana ka niyad jabin sii wadida waxad noso gudbiso. Jazakallahu khair walalo.
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
Mahadsanid walaalo , Jazaka Laah kheir ♥️
@abdikani4376
@abdikani4376 Год назад
Waa macalimad macquula ilaa xad alle cilmiga ha u siyaadiyo
@user-sc1sk2pi4b
@user-sc1sk2pi4b 5 месяцев назад
​@@hamdahussein.kabashoabaayo wllhi anigaa cabsidaa la nool banaanka xataa uma baxo guriga ayaan isaga jiraa dadka lama sheekaysan karo oo hadii qof uu wax waydiiyo waxan dareema cabsi wadno garaac iyo anigo aan qofkaas eegi karin cabsi awgeed ee maxad igula talin abaayo
@RoodaAbdi62
@RoodaAbdi62 2 месяца назад
M.a❤
@Jaabir143
@Jaabir143 2 года назад
Masha Allah Tabarakillah ♥️🙏 Barnaajim midka ugu qiimaha bdn inta aan bilaabay horumarinta Nafteyda wlhi Qalbiga baan kaaga duceeyay Adi iyo Labadaada waalid Allah ha idinka yeelo Ahlul Janatil Firdows Aclaaa Waad mhdsan thy abaayo 🙏👏❤️#HamdaHussein
@abdilahibarre2494
@abdilahibarre2494 2 года назад
Xamda Xuseen Ilaahay haku barakeeyo waxa aad noo soo gudbiyaa casharro caqiibo leh oo badbaadinaya shakhsiyada qofka bini aadamka ah Ilaahay ayaa wax badbaadiyee. Waxa aad Iska reebaysaa dhaxal Ilaahay iyo ummada ku fahmaysaaba kugu xasuusan doonaan. Ilaahay taariikh if iyo aakhiroba ku anfacda hakaa dhigo walaal.
@SalmaanMaadow
@SalmaanMaadow 2 года назад
Mahadsanid xamda!
@Siciid04
@Siciid04 2 года назад
Mahadsanid walaal Xamdi. Eebbe cilmiga iyo caqliga ha kuu siyaadiyo. Taxanaha Kabasho.❤ اجعل من يراك يدعو لمن رباك.
@happyhjmc1975
@happyhjmc1975 2 года назад
Masha Allah abyo inbadan ayaad naga caawisay waadna na dhirigalisaah 💯💯👏👏Allah ku xifdiyo inbadan🤲🤲
@nusaybaadna7791
@nusaybaadna7791 2 года назад
Jassakallah khayar wll hamda
@mustafabdisalam9119
@mustafabdisalam9119 2 года назад
Masha allaah. Alle cilmiga hakuu barakeeyo
@Gudbiye_media
@Gudbiye_media 11 месяцев назад
Alx Wlhi Runtii waxaan dareemaya kalsooni badan inta badan social anxietygu waa wax Aad adigu iska daawayn kartid hadii aad ogaato meesha ay wax kajiraan Ama wax kaa soo Raaceen QODOBADA IGA CAAWIYAY INAAN SOCIAL ANXIETYGA KA GUULEYSTO WAXAA KAMIDA 1:waxaan Aamina Cid igu mashqulsan inaysan jirin 2:waxaan kuqanca Sida ilaahay ii Abuuray ee Quruxda leh 3: waxaan Aad udhex galaa asxabtayda anigoo lashekaysta waqti walba
@Naagnool124
@Naagnool124 7 месяцев назад
Anigu isma lihi cid kaa daran baa jirta social anxietyga, hadana waan is khasbaa oo kalsooni aan caadi ahayn baan isku qabaa inta qudha ee aan isku wadaayi waa inaan class activity ga qaybtayda ka qaato. Ardayda lama hadli karo, runtiina waddan aan ku cusbahay baan joogaa oo luuqadana way iyara ciishay. Guriga cidna lama hadlo even qoyskayga xittaa waan ka cabsanayaa bannaan aan ubaxana iskaba daa iyo asxaab aan raaco.
@manhahanda2937
@manhahanda2937 2 года назад
Mahadsanid walal Xamda
@user-el9ss4eq4b
@user-el9ss4eq4b Год назад
Rabbi raali hakaa noqo ustaadi xamda xusein 😊
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
Masha allah manta ku ugu wanagsana bad so daysy
@aishahassan4772
@aishahassan4772 2 года назад
Masha Allah
@mdirye4764
@mdirye4764 Год назад
Cod hallaasi ah ayay wax ku sharaxdaa ustaad hamda . Thnx hamda.
@Sagal-dc5bv
@Sagal-dc5bv 2 года назад
Macalimadaydii hamda Hussein illahay haku sharfo ❤❤❤🥰🥰🥰🥰
@RoodaAbdi62
@RoodaAbdi62 2 месяца назад
Mahdsanid Hamda❤
@maysuurmohamed1387
@maysuurmohamed1387 2 года назад
Masha allah tabaraka allah illahey hadu xifdiyo abyo
@safiyobashirmusse5469
@safiyobashirmusse5469 2 года назад
Mahadsanid abayo Hamda barnaamijka waan sugayay hadeer baa notification isoo dhacay oo ah inaad soo galisay 🙏
@ismalure-25
@ismalure-25 Год назад
Mahadsanid walal macaan
@curwasheikhussein462
@curwasheikhussein462 2 года назад
Mawducyada barnaamijkani dhamaantood waa is barid iyo is-barasho ay dhaliinta haatani u baahan yihiin marka loo eego zemenkan aynu maanta leenahay oo aad noogu buuxiso walaal boos dhakhtarnimo iyo macalinnimo waa barnaamij aan sugo oo aan jeclahay, waa barnaamij soo daahitaankiisu aan tabno imaatinkiisana ku taamo, eebbuhu hakaa abaaliyo walaal hawshaasi bulsheed ee aad cilmi ahaan iyo baraarug ahaan noogu soo gudbiso, waan ku bogaadinayaa waana kugu dhiirigalinayaa doorashadaada hawshan iyo qabashadeeda.
@sahalsiyad4786
@sahalsiyad4786 2 года назад
Mashalah hamda ilah haku barakeeyo aqligaaga iyo aqontada iyo cimrigaaga amin . Fadlan nosoo badi barnaamijyada wax tarka leh hadii aad awoodo yacni xaga waqti u helis in aad barnaamj ku diyaariso hawlagaaga kale aad uga mashquulin mahadsanid .
@ahmethzerka3849
@ahmethzerka3849 2 года назад
Mahadsanid
@yaabfajac4812
@yaabfajac4812 2 года назад
Thanks mcaanto
@Abdihakeindhaye
@Abdihakeindhaye 2 года назад
guulayso walal
@Asiaherse
@Asiaherse 4 месяца назад
Much thanks xbbt🎉
@ruwaydamohamed8774
@ruwaydamohamed8774 2 года назад
بارك الله الله يا عزك xamda xussien waad mahad santahay mawduuc cajiiba ayaad kahadashay waana mawduuc aad moodid inuu naftayda kahadlaayo .thank you sister ❤
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
🙏♥️
@Bashe12
@Bashe12 2 года назад
walaal rabbi horay u socodkeenna ha taageero adiga iyo annagaba diamond baad noo tahay dhammaanteen inta Afka aad wadaagtaan.💪
@juweeryatimir6681
@juweeryatimir6681 2 года назад
Shurn Wllo Qli
@ridwaanahmet4791
@ridwaanahmet4791 2 года назад
Mahadsanid walaalo qali ilhey hano kadayo sidan kasbasho u bilabay wax ween baa iska kay badalay mahad calin tada kamadalo
@Anfac__anna
@Anfac__anna Год назад
Walhi ilmada aan ooyay maqiyaasi kartid muddo 3 sano ayaa xanuunkaas la noolaa meesha ee ika soo bilaawate na waa ogaaday 😓😥balse mardambo madhici doonto I.a
@hodoali5714
@hodoali5714 2 года назад
Allah maanta mushkilada in badan ii haysatey ayaa laga hadlayaa mahadsanid wlo qaliyey
@Dreamy-M
@Dreamy-M 4 месяца назад
Iskumid walal 😊
@Qaaxsi
@Qaaxsi Год назад
Iskaba daad in dad shisheeye iga ah toos u dhax galee xitaa waxan kabaqa in Aaladaha online-ka ah aan kala hadlo dad shisheeye iga ah !!
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
Imikan islaha ilba ku haysa ee isdabiib malaha wa social anxiety oo igu batay xita dhidid badan iga imada markan bulshada dhexgalo
@DHEEREHERO
@DHEEREHERO 2 года назад
Sxb hdaad dwadaada heshay ee ilaah tala saaro dadaalnah
@Abdifitah430
@Abdifitah430 2 года назад
Mahadsanid ustaadi hamdi, marbaan is idhi yaa sheekadaada uga sheekeyey markad ka hadleysay Abdi iyo sheekadiisa..
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
Mudnaanta adaa leh walaalo 🙏
@Naagnool124
@Naagnool124 7 месяцев назад
Xamda, walaalo fadlan ka soo hadal inner child healing iyo chakra healing. Waxaad sidoo kale noo sheegtaa tips yaryar oo aanu kaga takhalusi karno social anxiety.
@sundussaid3650
@sundussaid3650 2 года назад
Social inxiety waxa uu igu bilowday yaraan taydii waxa uu iga soo bilowday guri iyo hadaladii tabnaa ee la iiga oran jiray la igulana kaftami jiray way isaamaysay ilaa dugsi quraankii ilaa jamacda heer naftayda aan karaahsado waxkasto oo dad dhex gal way i dhibaysaa waan oga hay naftayda waxa carinaya dawee ayaan is dhahy lkn waan dawayn wayay Waxaa rajaynayaa in vediogan in uu dawdayda noqdo mahadsanid ustaad hamdi 👏
@russelljackson4014
@russelljackson4014 Год назад
Ani kula mid ahay Public speaking Dhib ku Qabaa hada dadaal ban wadaa youtube gal wa is bedli kartaa inshallah
@xaraagohussein5889
@xaraagohussein5889 2 года назад
Abayo daar ilahay ayan ku jeclahay 🥰
@quruxleyqalanjo5485
@quruxleyqalanjo5485 2 года назад
Aniga wan qaba social anxiety waxana ikoesaday hoyadey iyo abahay waxa cirir sas ahna maso arkin yaranteydi waliba kaalima ayan kagali jiray waxbarashada mrkan in mudo ah social anxiety daremayay o jamacada xita inyar 1 ama 2 asxab ah mahe anan dadkale dhexgalikarin martida gurigena imato kadhumanayo wayo wxan aminsanahy inanba shekwyn karin kadib markan in badan nolosha dhib kudaremay xurnima la.an daremay ayan dib isu daba galay mesha waxan igaso raceyn iyado gabdhaha ilamidka ah wada xor umarayan dunida mrja kadib ayan ogaday in laigaso racay gabar walashey iga yar o laila barbardhigi jiray mrkan yaryareyn waliba mrkan 11 ama 12 ila15 melahas mareynay aya waxa ladhihi jiray heblo adey ufirfircontahy way karti badantahay wa xarifad kadib ayan iska dhadhacsiyay adiga waxas walasha lagi shegayo matihid o waxa tahay mod an wax sas ah kufilneyn kadib ayan isdhihi jiray dadka hala falgalin yey ku ogaanine wayo walasha waataa dadka kudhexjirta e shekeneyse adiga sas uma kalsoni badnid lkn waxan layabay aya aheyd melan adla uyaryareyn aniga aya melwalba kaga ficanan jiray walshey o kalsonidaradi yaranti somartay aya walshey ku kaliftay inay mrka 10 sogartay noqoto mid aniga iqarisay o nolosha mel iskaso sartay tasna waxay kaliftau in dadki aniga iriixaan o dhahan walaga karti badanyahy ana meshas laiga dhumiyay qofnimadeydi alx hada wan is ogaaday wan isla tacaalaa cuqdadina way iga baxday
@Hjan4566
@Hjan4566 Год назад
I’m proud of you abayo for pushing through everything you are going through ❤ you are strong women go ahead ❤❤❤❤❤❤
@quruxleyqalanjo5485
@quruxleyqalanjo5485 Год назад
@@Hjan4566 abayo i think 11months ago inan soqoray qoralkan wlh waqtigas iyo hada laba qof ayan kala ahay waxan kunolahay my highest live alxmd waxwalbo iga qaldan diban umaslexeyay o rabi baan uwakishay thnk u so much sister🥰❤ for your movitation
@Asiaherse
@Asiaherse 4 месяца назад
Wllo keep it up no one can define your self!! Cidna iskama kaa taqaano❤️❤️❤️❤️
@monizaeman1033
@monizaeman1033 2 года назад
Waxay i gelisey xasuus dheer qisadasi wllo Hamdey 2012 bey sidaas oo kale igu dhacdey in xaflad aan ku qalin jabinayey oo weli kaalmaha hore kaga jirey aan ka qeyb geli kari waayo baqdin aawaded kadib aan sidi kaga hadhey Wax isoo marey bey ahayd lkn Alxm hada wan ka baxey dhiiranan badan na wan leeyhy hada
@amiincabdi2528
@amiincabdi2528 2 года назад
masha allah wlhi marar badan baa igu dhacday inan qof cusub isbaraano oon oon ka dib aan garan waayo meel aan uga bilaabo iyo waxaan ku idhaahdo taxanahani aad bu ii anfacay mahadsanid walal hamda hussen
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
Cafwan walaalo, wax kasta oo kugu cusub jidhku intuu baranyo sida saxda ah ee uu uga falcelinayo waa laga yaabaa inaad calaamadahan ku aragto.
@dhaqan25hassan83
@dhaqan25hassan83 Год назад
Abyo muuuu my sister
@abdirahiim0899
@abdirahiim0899 Год назад
Aniga waxan dhin xun ku qabaa dad dhex galka ilaa nollshey dii riski an galiyey oo an shaqado ku wayey oo an cidada an u gudan wayey oo wadamo badan an oga haajiray runtii
@xasanmalaay8221
@xasanmalaay8221 Год назад
Qof waliba Tiisa ayaa hortaagan lkn anagaa ayaa is moodna in nalagu mashquul san yahay
@motimacade1
@motimacade1 Год назад
Maxaa keena in qofku ururada asxaabta badan iyo kulamada Bulsheed ka dhex baxo isagoo aaminsan laguuma baahna ku darsoo waa qof aqoon leh dabeecad leh diin leh
@ummuisra6721
@ummuisra6721 Год назад
Bishii koowaad ee sanadkan diyaarad emarite oo aan ka soo raacay Dubai to London gabafh cad ayaa diyaarad raaca necbayd baaa illaa one hour gariiraysay
@zainababdi2604
@zainababdi2604 2 года назад
Waa caqabada ugu wayn ee fursado badan oo isoo maray I seejisay wxyna iga soo raacday reerkii isoo korsaday oo cay iyo canaan hadal xun mooyee maalina hadal wngsn aan I odhan daryeel iyo naxariis maalina imay siin
@hamdi7738
@hamdi7738 2 года назад
Waaka xumahay walal Saynab in dhibkaas kusoo gaaray balse alxamdulilaah maanta fursad baa haysataa waana rajaynayaa inay ku noqoto mustaqbal quruxbadan bilowgiis💐💕
@zainababdi2604
@zainababdi2604 2 года назад
@@hamdi7738 shukran xpptii
@feelfree4067
@feelfree4067 2 года назад
Sist mahadsanid, fadlan waxaan kaa codsanayaa Mowduuc kusaabsan Kobcinta maskaxda caruurta iyo tarbiyadooda inaad taxane noo bilawdo, aad baan ugu baahi qabaa because waxaan ahay hooyo heysata 6 kids kuna nool Europe, Thanks again Sist
@Hjan4566
@Hjan4566 Год назад
Somali motivational podcast dhageyso wll kasa ka hadla mowducyo nocasa ❤
@qalinlemedia1526
@qalinlemedia1526 Год назад
Xagee kaalaso xidhiidha wll
@mohamedyusuf8108
@mohamedyusuf8108 2 года назад
Wll Hamda Waad mahadsan tahay in badan
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
Cafwan walaalo 🙏
@sacaadaamxed9767
@sacaadaamxed9767 2 года назад
Mahadzanid huuna
@aliahmedyacin721
@aliahmedyacin721 11 месяцев назад
Waxa la dhahaa "Shir-ka-nax."
@hodoayan8632
@hodoayan8632 2 года назад
Wllo anxiety side layskaga dawayn kara marmarka qaar Waxan isku arka inan bixi karin baqdin aad u daran darteed 1 month aan danahaga u seego Oo anan albanka gaadhi karin maxad igula talin lahayd
@Anfac__anna
@Anfac__anna Год назад
1 month wee yartay aniga 4 sano ayaa guri kujiraa kaliya school lee aadaa
@fardowsa5117
@fardowsa5117 Год назад
Walalo monophopia makasoo hadli kartaa
@zainababdi2604
@zainababdi2604 2 года назад
Wllo kiniinadan hadaan halmar qaato ma iga kaxaynayaan mise markasta oo xaalad taaganthy baa la qaataa
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
Kuniinada laguma degdego illaa maare kale la waayo maahine 🙏
@mahamedahmedhassen274
@mahamedahmedhassen274 2 года назад
Aniga hadalkaa iga luma markaan dareemo cabsi saa'ida anoo carab la unbaan is arkaa
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
Waa wax dabiici ah lkn waa inaad maskaxda u sheegto in ammaanku suganyahay carrabkuna markuu ammaan dareemo ayuu caadi noqon Bi’dniLaah.
@caishaosman3090
@caishaosman3090 2 года назад
hamdaay wllalo wxaan ahay stutter person jamada ayaan dhamaan rabaa wexeeyna igu bilaaway duqsigeygi sare 😓😓😓 saaid ma ihi lkn xiliga aan dadka IGA weeyn oo aan xushmeeynayo aan lahadlaayo waan tartaraa waana kabaxaa in aan dadka dhaxdooda ka hadlo why xadalkeeyga lama fahmaayo😓😓😓
@hananhaji353
@hananhaji353 2 года назад
Abyo ilahy ha ka caafiyo ,laga yaba in ay wax yabo kale kenan ,lkn waxan isleyahy in ay ku kentay cabsi fara badan oo aa dadka ka wa weyn ka baqdid, ama ad cabsi ka qabtid ama hadal qaldan ku hadasha
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
Hag-hagada waxa sababa cabsida ka timi yaraantii waa haddii yaraantii hadalkaaga laga maadsan jiray ama lagu canjili jiray iwm. Lkn dad badani markay waynaadaan way ka koraan. Ogoow: dadka waawayn waa bani’aadam markaad la hadlaysi xoogga ha saarin inaad saxsanaatid ama ay kuu arkaan inaad qof muxtaram ah tahay iwm , xoogga saar inaad hadashid bes. Haka fikirin in lagu fahmo ama lagu xukumo midna. Maskaxda marka culayskaa saxsanaantu ka dego carrabku wuu hagaagi Bi’dniLaah 🙏♥️
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
Asc xamda dhakhtar physchatary waxa iso qorey sertraline iyo lerazapom maxay saameyn igy yeelan hada ma bilaabin wali wan ka si baqaya ina ki si xanuunsado ?
@Abdalllahamed
@Abdalllahamed 3 месяца назад
Marka hore CPT makugu daaweynin miyaa horey muu daawo kaaga bilaabay?
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
Wllo xamda dawadas oo fahfahsan iso dir adpa ugu baahanahay heer an gadhay inan qofpa la kulmin kaligay iska jogo siba dhididka padan meel buuqa hadan galo diiqad ba gala naqaska igu dhaga neefban raadiya dawadas adpa ugu baahanahay
@hawdreservedarea5613
@hawdreservedarea5613 Год назад
Xamdaay tusaalaha aad soo qaadatay waa isla aniga uun marka aad leedahay cabdi waa nin dheere dadka ma dhex galo kaligii socod weeye walaleey cudurkan waan qabaaye maxaan iskaga daweeyaa.
@timeforbinaryoption7715
@timeforbinaryoption7715 Год назад
Macmacalayaaasha aad iyo hudheelada dadka u fiirso qaar baqaya so qabo😄😄😆
@safiahasan-wm1nl
@safiahasan-wm1nl Год назад
Waxyaabaha aan. Aniga i shaqeeyay waxaa ka. Mida. Exercise iyo inaan dadka lahadlo awalkii hore. Qofka xata aan. Garanaayo waan. Ka. Dhici jiray hada qof aad. Garanayso mid kalaba salaan haadad sii. Awoodidna waxyaabo waywaydii sheeko u. Bilow
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
I'm suffering from social anxiety what do you advise
@garaadsan.6191
@garaadsan.6191 2 года назад
Isla Video-ga 23:47 tag.
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
@@garaadsan.6191 dawada miya
@garaadsan.6191
@garaadsan.6191 2 года назад
@@Kamalkamal12347 haa bro isla Video ga inaad dhameysato isku day.RU-vid-kana kasii raadi waa buux.
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
@@garaadsan.6191 thanks wl
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
Xamda qofna umad jawabin sabab ? Kininaga xage ugu dhow o laga hela
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
Ahlan walaalo khaalid, kiniinka aan xilqaddan ku sheegay ma aha mid aad pharmacyga kasoo qaadanaysid sida kaarjabinta. Waa inaad aragto dhakhtar ku takhasusay xanuunada dhimirka , uu ku warayso, baadho, qiimeeyo xaalkaaga kadibna kuu go’aamiyo inuu kiniinku yahay xalka koobaad iyo inkale . Haddii markaa uu kiniinku xal u yahay xaaladda aad kujirto waa inuu dhakhtarku qiyaaso xaddiga saxda ah ee ku habboon xaaladdaada iyo calaamadaha uu jidhkaagu bixinayo. Mahadsanid
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
@@hamdahussein.kabasho mahadsanid xamda CBT ayapa wax iga ridey mar an isku dhiriyey
@hamdahussein.kabasho
@hamdahussein.kabasho 2 года назад
@@Kamalkamal12347 CBT gu saa’id ayuu kuu anfacayaa iyo inaad mawduucan wax badan ka raadiso oo dhaqan geliso talooyinka aad hesho, waad ka bixi kartaa ee ha niyad jabin 🙏
@Kamalkamal12347
@Kamalkamal12347 2 года назад
@@hamdahussein.kabasho haye wll mahadsanid
@farhan_taffo
@farhan_taffo Год назад
Runtii waxyalo badan oon somary ayaad badanka ka hadashaa mahadsnid
Далее
Episode 30: Is-xambaarsanaan| Narcissism| Kabasho|
32:00
How Many Balloons Does It Take To Fly?
00:18
Просмотров 33 млн
Waa maxay Social Anxiety/ Walaaca Bulsheed?
4:13
Просмотров 7 тыс.
Anxiety (Af Somali)
16:55
Просмотров 14 тыс.
QAABABKAAN HA SAMEYN MARKAAD HADLEYSO l Qaab-hadalka
6:12