Тёмный

Grounding exercise - Somali 

PANDA Perinatal Anxiety and Depression
Подписаться 195
Просмотров 18
50% 1

Badbaad & Kobac
Jimicsiga dhulka - iskaanka jirka iyo nasashada si jirku uu usii daayo culayska
Waxaan kuu soo bandhigi doonaa jimicsi yar oo jidhka ku salaysan si loo yareeyo walbahaarka, taas oo laga soo qaatay iskaanka jidhka ee fudud iyo nasashada ee Paul Gilbert. Waa dhawr ilbiriqsi oo aad naftaada uun iska hubinayso. Wax kasta oo sabab u ah imaanshahaaga halkan, haddii ay jiraan wax maskaxdaada dhibaya, dhinac iska dhig. Wax yar uun. Waxaa laguu ogol yahay inaad wakhtigan ku qaadato inaad is dejiso oo aad ku nasiso jirkaaga. Waxaad samayn kartaa jimicsigaan adigoo fadhiya ama jiifa.
Aan bilowno. Bilaw inaad dareento neeftaada markaad sanka ka qaadaneyso neefta oo ay afkaagana ka soo baxayso. Si tartiib ah diirada u saar hab-socodka nasinta ee dabiiciga ah ee neefsashadaada.
Hadda diirada saar lugahaaga. Sidee ayay dareemayaan? Bal qiyaas dhammaan xiisadda lugahaaga oo si tartiib ah uga soo baxaysa jidhkaaga kuna dhacaysa dhulka kabacdina kaasii tageysa. Markaad neefta qaadaneyso, isku day inaad lugtaada wax yar adkeysid. Aynu neefsano, oo markaad neefsato, nasi murqaha lugahaaga oo sii daa. Markaad neefta qaadaneyso, u fiirso xiisadda. Markaad neefta soo tufeyso, sii daa oo dareen lugahaaga oo nasanaya.
Aan kor u qaadno jidhka, ilaa garbahaaga. Ma ku xoqanaysaa? Isku day inaad garbahaaga xajiso, kor u soo qaad markaad neefta qaadaneyso. Markaad neefta soo tufeyso, dareen murqaha garabkaaga oo raaxaysanaya marka diiqadu ka baxdo jidhkaag markastood neefsato. Markaad neefta soo tufto, sii wada daa.
Hadda ilaa caarada farahaaga. U fiirso xiisadda meeshaas ku kaydsan oo ha ka sabbayso jidhkaaga ayadoo soo marayso gacmahaaga. Curcuradaada, gacmahaaga, xusullada, ilaa garbahaaga. Ugu dambayntiina ilaa jidhkaaga oo dhan ilaa dhulka. Neefso oo sii daa dhammaanteed.
Hadda u dhaqaaji diiraddaada xiisad kasta oo ka jirta madaxaaga, qoortaada iyo wejigaaga. Ha ku nastaan ​​neef kasta. Bal qiyaas xiisadda ka soo dhacaysa laabtaada, calooshaada, dhabarkaaga, ilaa inta ay hoos marayso lugahaaga iyo dhulkaaga.
Ugu dambeyntii, diiradda saar jirkaaga oo dhan. Mar kasta oo aad neefta qaadatid, ka fikir ereyga 'nasso'. Ama haddii taasi aysan kugu habboonayn, isku day ereyga 'degenaan' ama 'nasiino'. Dareen jidhkaaga oo sii deynaya neef kasta oo aad qaadato. Aynu diiradda saarno jirkaaga oo dhan iyo eraygaaga deganaan si aad u neefsato.
Wareegii u dambeeyay.
Aynu ku soo afmeerno jimicsigan dhawr neefsasho oo weyn, oo aad caloosha si qotodheer uga qaadaneyso iyo is kala bixin. Faraha Lugaha rux. Si tartiib ah u kala bixi farahaaga, cududahaaga, gacmahaaga, iyo garbahaaga. U fiirso sida uu jidhkaagu hadda dareemayo, marka loo barbar dhigo biloowgii. U oggolow naftaada inaad ugu mahadnaqdo jidhkaaga, sida jidhkaagu u dareemayo mahadnaqa dareenka, naxariista iyo daryeelka aad hadda siisay. Markaad dareentid inaad diyaar u tahay inaad istaagto oo aad dhaqaaqdo, waxaa laga yaabaa inaad jeclaan laheed inaad cabto biyo ama cunto cunno fudud. Xasuusnoow, waxaad ku soo laaban kartaa neeftaada oo aadna iskaan gareen kartaa jirkaaga mar kasta oo maalinta oo dhan ah, ama dib u ciyaar jimicsigan mar kale. Samee inta jeer ee aad u baahan tahay. Haddii aad rabto in aad wax badan ka barato jimicsiga dhulka iyo nasashada waxaad ku samayn kartaa guriga, waxaad wici kartaa khadka caawinta Panda 1300 726 306 si aad ugala hadashid fursadaha is-daryeelka fudud ee waxtarka leh.

Опубликовано:

 

21 сен 2024

Поделиться:

Ссылка:

Скачать:

Готовим ссылку...

Добавить в:

Мой плейлист
Посмотреть позже
Комментарии    
Далее
Grounding exercise - Spanish
6:58
Просмотров 55
Grounding exercise - Russian
7:29
Просмотров 30
Grounding exercise - Nepali
8:02
Просмотров 19
Grounding exercise - Sinhalese
7:41
Просмотров 7
How we became parents without a guidebook
33:41
Grounding exercise - Macedonian
7:39
Просмотров 8
How to win a argument
9:28
Просмотров 555 тыс.
Grounding exercise - Samoan
7:22
Просмотров 11
l'opposition boycott... Ousmane Sonko confirme
44:30
Просмотров 100 тыс.